Warsaxafadeedka ka soo baxay xarunta  madaxtooyada ee magaalda garawe ayaa waxaa ay kaga hadashay dowlada puntland dagaal dhawaan ka dhacay maaglada ceerigaab ee xarunta gobolka sanaag oo ay ku eedeyeen maamulka soomaliland ay in ay caado ka dhigatay colaad dhexdhigida bulsho meel kuwada dhaqan

Warr saxaafadeedkaan ayaa waxaa saxaafada u aqriyay afhayeenka puntland Axmed Cumar Xirsi {libaax joore} Warsaxafadedka waxaa uu u qornaa sidan :

Waxaa maagaalda Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ay Ciidamada maamulka Somaliland ku laayeen dad shacab ah 5-ta iyo 6-da bishaan Nofember,iyadoona falkaasi foosha xun uu sababay dhimashada 4-Qof iyo dhaawaca 13-qof ,iyo waliba barakaca bulshada reer ceerigaabo.

Caado ayay u noqotay maamulka somaliland in bulsho meel wada daganay colaad dhexdhigaaniyagoo gacansiin ku salaysan qabyaalad kula kacaya dadka shacabka ah.

Ma ahan markii ugu horraysay oo dhacdo arrintaan oo kale ,waxaana ugu danbaysay colaadii deegaanka kalshaale .mala aqbali karo in maamulka Soomaliland uu huriyo colaad ku salaysan qabyaalad.

Waxaan ugu baaqayaa beelaha dariska ah ee reer ceerigaabo inay ka digtoonaadaan dabinka colaadeed ee loo maleegayo .sidoo kale waxaan Shacabka ugu baaqaynaa inay markasta nabadgalyada iyo xasiloonidooda.

Beesha caalamka waxaan ugu baaqaynaa in maatada labarakicinayo ay gargaar dhankasta ah u fidiyaan iyo mas’uuliyiinta soomaliland ee ku Mashquulsan hurinta iyo fidinta colaadaha tallaabo dowli ah laga qaado.

Eedaynta putnland ujeedisay maamulka soomaliland  ayaa imanaya maalmo ka dib markii dagaal khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhawaac sababay uu ka dhacay degmada ceerigaabo ee xarunta gobolkka sanaag

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe