Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay in Ciidamada amniga ee loo yaqaano (PSF), ay bur-buriyeen saldhigyo ay ku sugnaayeen Al Shabaab oo ku yaalla Buuraha Cal Madow.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland ayaa sheegay in ciidamadooda ay wali ku guda jiraan howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab, ayna ku dileen dagaalamayaal.

Saraakiisha laamaha ammaanka ma sheegin tirada dagaalyahannada Al Shabaab ee ay ku dileen weerarka.
Kooxda Al Shabaab ayaa dhawaan sheegatay weerar ay ku qaadeen degaanka Af-Urur in ay ku dileen 61 askari oo ka tirsanaa maamulka Puntland, Balse Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa beeniyay in weerarkii Al-shabaab ee degaanka Af-urur looga dilay ciidamo tiro badan, islamarkaana laga qabsaday saldhigii ciidamadda ee Af-urur.

Illaa iyo hada faah faahin badan lagama haayo howl galada socda, maadaama halka lagu dagaalamayo ay yihiin goobo isgaarsiintooda ay adag tahay, Walina Masuuliyiinta Puntland arintaan Kama Hadlin,

Saraakiisha Puntland ayaa sheegay inay saxaafada u soo bandhigi doonaan howl galada ay wadaan iyo
guulaha laga gaaray.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhowaan ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish oo looga sifeynayo dhulka buuraleyda ah ee ay inta badan weerarada ka soo qaadaan.

Al-Shabaab ayaa 8-dii bishan June weerar khasaare lixaad leh geystay ku qaaday saldhig Ciidamada Puntland ku lahaayeen deegaanka Af Urur, waxaa halkaas ay ku dileen Ku dhawaad 50 askari.