Wasiirka Wasaarada Dekadaha Gaadiidka Bada iyo ladagaalnka Burcad Badeeda Puntland Siciid Maxamad Raage  oo la hadlayey SBC isaga oo ku sugan EYL ayuu kahadlay haysashada markab uraran ganacsatoSomalilandah oo kooxo Burcad badeed Soomaali ah ay ku haystaan deegaano hoostaga Gobolka Bari. 

Wasiirka ayaa sheegay in Dawlada Puntland ay wado baaritaano ku aadan sidii ay Dawladu gacan uga geysan lahayd in markab kaasi laga siidaayo kooxaha burcad badeeda ah ee uu u qafaalan yahay.

Wasiir Dekada Puntland Siciid Maxamad Raage ayaa sheegay in markabkan uu u rarnaa ganacsato somliland ah uu ku siijeeday Dekada Magaalada Barbara ee Deegaanada Waqaooyi ee Somaliland.

Markabkan u gacan galay Burcad badeeda Soomaalida Dhawaan ayaa waxaa u qorsheyneyd marka uu Ganacsiga uu siday ku soo dejiyo Dekada Barbara uu xoolo nool ka qaado Dekada Magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale Wasiirka Dekadaha Gadiidka Bada iyo ladagaalanka Burcad badeeda Puntland Siciid Maxaamd Raage ayaa ganacsatada ku dhaliilay in aysan Dawlada la shaqeyn wuxuuna sheegay in ay ganacsatadu ay Dawlada u yimaadaan oo kaliya xiliga laga qabsado Gadiid Badeedka u raran.

wasiir Siciid Maxamed raage ayaa ugu baaqay Ganacsatda Looga Baahan yahay in Dowlada ay kala shaqeeyaan sidii Loola Dagaalami lahaa Burcadbadeeda Afduubka u geysanaysa Gadiidka kooda.

Isku soo wada Xooriyo hadalka Dowlada Puntland ayaa imanaya xilli ergo ka socota Maamulka Somaliland ay ku sugan Yihiin Magaalada Boosaaso oo ay u joogaan Sidii ay wadaxaajoodka lagu siideynayo Markabkaasi ula sameyn lahaayeen Cuqaasha iyo Waxgaradka Deegaanadan.

SBC International Monitoring