Wasiir ku xigeenka amniga Puntland C/jamaal Cismaan Maxamed   oo shirjaraaid ku qabtay xarunta madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa  sheegay in ciidamada amaaniga Puntland ay howlgalo ka fuliyeen xaafado ku yaala magaalada Gaalkacyo iyaga oo xog buuxda ka helay xubno ka mid ah kooxda argagixisada ah ee alshabaab,  isaga oo intaasna ku daray in ciidamadu ay howlgalo iyo baaritaano ka fuliyeen xaafad ku  taalka galbeedka magaalada Gaalkacyo iyadoona howlgaaskaas Xarakada mujahidinta Alshabaab khasaare wayn loogu gaystay iyadoona xafadihii lagu dagaalamay laga saaray 

Waxaana  uu sheegay in dagaalku sababay dhimasho iyo dhaawac iyadoona  ciidamada amniga Puntland ku suganyihiin xafaadihii dagaalku kadhacay ayna siiwadayaan howlgalada ka dhanka kooxaha aragagixisada ah waa  sida uu hadalka udhigaye

Dhanka kale waxaa uu ka gaabsaday  in uu wax faahfaahin ka bixiyo khasaaraha dagaalka ka dhashay mar saxaafadu wax ka waydiisayna waxaa usheegay in wali howlgaladu socdaan ayna dib ka sheegidoonaan waxii khasaare ah ee dhankooda  ah

Sikastaba ha ahaate dagaalkan maanta ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili magaalada Gaalkacyo ay gaareen ciidamo farabadan oo ka  tirsan ciidamada Puntland oo maaalmihii ugu dambeeyey howlgalo ka fulinayey maagalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug  oo baryhihii ugu dambeeyey ay ka taagnayd xaalad amaan darro.

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe