Wareegrto ka soo baxdey wasaarada warfaafinta Puntland ayaa lagu cadeeyey in shaqadii warfaafineed ee Telefishinada Somali Chanel & Universal gabi ahaanba laga joojiyey deegaanada Puntland.

Wareegto uu ku saxiixay wasiir kuxigeenka warfaafinta Puntland C/laahi Maxamed Faarax loona qaybiyey laamaha amaanka, wasaaradaha amniga, gudaha, gudoomiyeyaasha gobolada, taliska Booliiska, Sirdoonka, isu duwayaasha wasaarada warfaafinta isla markaana ogeysiin lagu siiyey Madaxweynaha Puntland oo nuqul ka mid ah SBC soo gaaray ayaa lagu sheegay in labadaasi Telefishin waa sida warsaxaafadeedka lagu yiriye ay caadeysteen la shaqeynta wax lagu tilmaamay kooxaha nabad diidka, kuna hawlan yihiin had iyo jeer waxyaalo lidi ku ah nabadgalyada dawlada Puntland.

Wareegtadan ayaa waxaa lagu xusey in hay’addaha amaanka ay dabagal ku sameeyaan hirgalinta go’aankan lagu mamnuucay hawlaha saxaafadeed ee Telefishinada Somali Chanel & Universal oo gobolada Puntland intooda badan ay u joogaan wakiilo wareed qaarkoodna xafiisyo ku leh.

Dhinaca kale maamulka Telefishinka Somali Chanel ee bariga Afrika gaar ahaan Soomaaliya oo aynu wax ka waydiinay go’aanka dawlada Puntland ee shaqo joojinta ayay waxay muujiyeen sida ay ula yaaban yihiin go’aankaasi iyo hadalada lagu xusey wareegtada.

Axmed Maxamed Jaamac (Axmed Suufi) oo madax u ah xafiiska Somali Chanel ee Bariga Afrika gaar ahaan Soomaaliya oo uu hoos yimaado xafiiska Puntland ayaa wuxuu sheegay in ay si weyn ula yaaban yihiin hadalada ku aadan in ay la shaqeeyaan sida wareegtada lagu xusey kooxaha nabad diidk, waxaana uu sheegay Axmed in Telefishinkoodu uu yahay mid dhexdhexaad ah oo aan cidna gacan siin una hiilin lana shaqeyn, isagoo iska fogeeyey eedeymahaasi ka dhanka ah Telefishinkooda.

Axmed wuxuu intaasi ku darey in xiriir aad u wanaagsan ay lahaayeen madaxda iyo hay’adaha dawlada Puntland wuxuuna sheegay in Telefishinka Somali Chanel uu inta badan siidaayo barnaamijyo ku aadan horumarka iyo nabadgalyada Puntland, isagoo meesha ka saarey in siyaasad ay ku lug leeyihiin oo si gaar ah uga soo horjeedaan danaha Puntland ama cid kale.

Sidoo kale maamulka Universal TV oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in ay war ka soo saari doonaan arinta shaqo joojinta Puntland ay ku dhawaaqdey waxaana ay sheegeen in ay shir ka leeyihiin arintaasi.

Wareegtada ka soo baxday wasaarada warfaafinta Puntland link-ga hoose ka akhriso.HALKAN RIIX

SBC News Desk