Afhayeenka Dowlada Puntland Mudane Axmad Cumar Xirsi (Libaax Joore) oo maanta ka war bixinayay halka ay marayaan howlaha iyo qaban qaabada shirka wadatashiga Soomaaliya oo lagu balan san yahay inuu ka dhaco magaalada garoowe ayaa sheegay howlahaasi in loo xilsaaran 3-da Gudi oo wasiiro ah .

Gudiyadaani loo xilsaaray qabsoomidda shirka wadatashiga Soomaaliya oo ay kasoo qayb galayaan Ergooyin tiro badan ayaa kala ah Gudiga Amniga,Gudiga Baratakoolka iyo soo dhawaynta iyo Gudiga wacyi galinta.

Gudiga Amniga waxaa gudoomiye u ah Wasiirka Amniga Mudane Khaliif Ciise Mudane ,Gudiga Wacyi galintana waxaa madax u ah Wasiirka Warfaafinta Axmad Cali Askar ,Gudiga Baraakoolkana waxaa madax u ah Wasiirka Maaliyadda Mudane Faarax Cali Shire, waxaana Xubno ka ah Duqa Caasimada Puntland Cabdicasii Nuur Cilmi ,Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab iyo Masuuliyiin kale dhamaan waxay ku guda jiraan qaban qaabada iyo udiyaar garowgii ug danbeeyay ee shirka sida uu noo sheegay afhayeenka Dowlada.

Waxaana hadda ku sugan magaalada Garoowe Waftiyo ka kala socda dowlada KGM Soomaaliya iyo dowlada Kenya ,dhanka amniga waxaa si aad ah loo adkeeyay maal mihii lasoo dhaafay iyadoona baaritaano kala duwan lagu hayo gawaaridda soo galaya magalada iyo kuwa ka baxa  .

Dhinaca kale Mudane Axmad Cumar Xirsi ayaa sheegay Nabadgalyadda Magaalada Garoowe inay tahay mid aad u sarayso oo laga shaqeeyay ,wuxuuna intaasi ku daray Ergooyinka ka qayb galaya Shirka wadatashiga in loosoo diyaariyay goobihii loogu talo galay ,suurta galna ay tahay in si wanaagsan garoowe loogu qabto shirka Tubta nabada Soomaaya.

Ka shaqaynta Amniga,horumarka Garoowe,Bilicda Caasimadda ,adkaynta isdhex galka bulshadda ayaa ka mid ahaa qodobii uu maanta ka hadlay Afhayeenka Dowlada Puntland Axmad Cumar wuxuuan ugu danbayntii shacabka soomaaliyeed ugu baaqay inay ka wada qaataan adkaynta amniga inta uu socda shirka wadatashiga.

15-Bishaani aanu ku jirno ayaa lagu wadaa magaalada garoowe in lagu qabto shir wayne ay isigu imaan doonan dhinacyadda Soomaaliya kaasi oo badan kiisba looga hadli doono Baarlamaanka Soomaaliya ,iyo ka doodiska Tasduurka Soomaaliya ,waxaana lagu wadaa inuu kasoo baxay Go’aan wax tar leh.

Yusuf Maxamed Maxamuud {Yusuf Yare}
SBC International Garoowe