Puntland oo Shaacisay Ergadii Uga Qaybgali Lahayd Ansixinta Dastuuka DKMG ah

Dowlada Puntland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay Ergadii ka qaybgali lahayd ansixinta Dastuurka Somaliya kuwaas oo ka kooban  boqol iyo qof  oo ay soo xuleen Odayasha dhaqanka ee Beelaha Puntland kuwas oo la sheegay in ay yihiin isimada soo jireenka ah ee Puntland.

Gudi ka koobnaa afar xubnood oo loo magacabay  in ay la shaqeeyaan odayasha Dhaqanka si ay uga caawiyaan xuluda

Ergada oo maanta shir jara’id ku qabtay Xarunta  Madaxtooyada Garowe si rasmi ah ugu dhawaqay in uu soo baxay Magacyadi liiska ergada ansixin lahayd Dasturka Somaliya loo samaynayo qaybta kaga aadan Puntland.
Waxaana ay ergadaani ay isu jireen Xildhiban ka tirsan Barlamaanka Puntland Xubin Gudiga ganacsatada Xubin ka socday Qurba joogta iyo Xubin ka tirsanaa Puntland ,Ururadda Aan Dowliga ahayn ee (PUNSA).

Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo ka mida xubnahan gudiga farsamda ee odayaasha Dhaqanka ka caawinayey soo xulida ergada ayaa ka waramay soo dhamaytirkii ergadii iyo sida lagu soo xulay ayaa sheegay:in magacyada la soo gudbiyey inay yihiin dad u qalma inay ka qayb qaataan dadaalada dib loogu soo celinayo qarankii Somalia isagoona raaciyey in ay gabo gabo mareyso hawsha xulista mudanyaasha Barlamanka Somalia.

Sidoo kale Xildhibaan Saadiq Abshir waxa uuna Tilmaamay  inay Dowladda Puntland  wax Door ah  aysan ku lahayn ergadan ay soo xuleen odayaasha dhaqanka beelaha dega Puntland oo kaashanaya Bulshada rayidka.

Fadumo Ibrahim Aadan waxaa Agasimaha Ha’yadaha aan dowliga ahayd dalada ay ku midaysan yihin ee PUNSA waxaa ay iyana ku tilmamatay  ku dhawaqida ergada ansixin lahayd Dastuurka Somaliya in ay tahay wax lagu farxo.
Faadumo Ibraahim Aadan oo madax ka ah Dalada ururada bulshada rayidka Puntland ayaa sidoo kaledhankeeda baaq codsi u dirtey xafiiska siyaasada Qaramada Midoobey Somalia (UNPOS) iyo DF Somalia iynaDedejiyaan hawsha  qaadista Ergada Puntland si ay uga qaybgalaan shirweynahDastuurkaDalka.

Inta badan dadwaynaha ku dhaqan Puntland ama somaliyaba waxaa ay ka dhur sugayeen soo xulida Ergada ka qayb gali lahayd ansixinta Puntland oo looga fadhiyey Isimada soo jireenka ah ee Puntland kuwaas oo qaybtood ay ku maqan yihin Muqdisho kuwa ay ku sugan yihiin Puntland balse u muqatay mid hada soo afjarmatay

Cabdi Caziiz Ibraahim Axmed (Cabdi Caziiz Ok)
SBC International Garowe

Daalacatey :1963

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print