Gudoomiyaha Gobolka Bari C/samada Maxamed Galan ayaa Sxaafada Gobolka U sheegay inaysan wax war ah ka sameyn Karin Arimaha Ololayaasha Doorashada oo ay wadaan qaar ka mid ah Muwaadiniinta reer Puntland ee isku soo taagaya doorashada Madaxtinimada.

Warkan ayaa waxaa uu gudomiyaha ku sheegay in Xilligan aysan ahayn Maamul ahaan Raali ka ahayn in Olole aan waqtigisa la gaarin la bilaabo waxayna arintan ku tilmaameen mid wax u dhimeysa amaanka .

Gudoomiyaha ayaa ka jaawabay su’aal ahayd in Caburinta Saxafada ay waxyeeleynso wada Shaqeynta warbaahinta iyo maamulka iyo in Amaarkaas loo arki karo caburin dhinaca saxaafada waxaana uu sheegay in Maamul ahaan ay diyaar u yihiin inay saxaafada la shaqeeyaan waxaana uu sheegay inaysan Maamul ahaan aqbali doonin in warbaahinta inay baahiso wararkaas .

Xilligan ayaa waxaa uu sheegay in la joogo xilli la sugo kheyraadka dabiiciga ee laga soo saarayo Deegaanada Puntland waxaana loo baahan yahay si kheyraadkaas looga faaideysto inaan la sameyn dhamaan wax kasta oo wax u dhimi karaMaamulka Puntland isaga oo ula jeeda inaan olole doorasho xilligan la bilaabi Karin.

SBC International Monitoring