sawirka_2aad_wasiirka_19
Maanta magaalada Garoowe Xarunta Puntland waxaa lagu soo bandhigay Lacago shilling Soomaali ah oo ay qabteen ciidamada Amaanka Dowlada Puntland.

Kulan saxaafadeed lagu qabtay wasaarada Maaliyada Puntland islamarkaana uu ka hadlay Wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Puntland Cabdi Ibraahim, waxaana uu ka sheegay tirade lacagta la qabtay iyo halka laga qabtay.

Waxa uu sheegay wasiir ku xigeen Qowdhan in lacagtan tiradeedu gaareyso 190 Milyen islamarkaana ay ugaga mahadcelinayaan ciidamada Amaanka oo ka qabtay Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe, iyadoo si sharci daro ah loogu qariyay gaadiid xamuul laguna waday deegaanada Gobolada Koonfurta Dalka.

Dowlada Puntland ayaa horay u mamnuucday in la dhoofiyo lacago shilling Soomaali ah iyadoo u digtay ganacsatada lacagahaasi iskaleh una sheegtay in halkii ay ka sarifan lahaayeen koonfurta dalka ka sariftaan gudaha deegaanada Puntland.