Ciidamadda Amaanka ee  Dowladda Puntland ayaa Saaka Aroornimadii hore  Dilal Qisaasa ku fuliyay laba nin oo Dhowaanta Maxakamadda Darajadda kowad ee Gobolka Nugaal ay Dil toogasho ku Xukuntay,kuwaas oo Dad rayid ah iyo Ciidamo ka tirsan  laamaha Amaanka Puntland siyaabo kala duwan ugu laayay Magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo ayna horay Gacanta ugu soo dhigeen Ciidamda Ammaanka ee Puntlad

Goobta Qisaastu ka dhacaysay ayaa waxaa Goob joog ka ahaa Madax ka Tirsan Dowlda Puntland
Labada Nin ee Maanta lagu filayay ayaa sida la Sheegay ka Tirsanaa Xarakada Alshabaab waxaana lagu kala Magacaabay
Cismaan Cabdi Gaabow iyo Cabdullaahi Cabdule Iimaan.

Dilkaasi kadib waxaa Saxaafada la Hadlay Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda  Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan  ayaa Sheegay in Marxuumiinta la Qisaasay ay la Shaqaynayeen xarakada mujaahidiinta AlShabaab isla markaasina ay arrintaas qirteen iyagu taasi ay sababtay in la dilo.

Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in xarakada Alshabaab ay Puntland ku soo qaadeen Dagaal ay ku Dilayaan Waxgaradka iyo Cuqaasha Deegaadna Puntland iyana ay mar walba Sharciga la tiigsan doonaan Cid kasto oo lug ku leh Xarakada Alshaabul mujaahidiin uguna Baaqay Shacabka inay la Shaqeeyaan Ciidamda Ammaanka.

Dhawaanta ayay ahayd marki Dil noocaani oo kale ah lagu fuliyay Nin la Sheegay in uu ka tirsanaa Xarakada Alshabaab kuna Dilay Magaalda Gaalkacyo ee Xarunta Gobalkaasi Mudug Nabadoon ka tirsanaa Guurtida Gobalkaasi Mudug,iyadoona Puntlan ay Sheegtay inay jiraan Niman kale oo ka tirsan Xarakada Alshabaab oo ku Xukuman Dilal noocaan oo kale ah Dhawaantana la Qisaasi doono.

Yusuf Maxamed Maxamuud {Yusuf Yare}
SBC International Garoowe