Puntland oo Maanta lagu wareejiyay Maxaabiis Burcadbadeed ah+Sawiro

Ku dhowaad 5 maxbuux oo ku xukuman dembi burcad badeednimo ah ayaa maanta laga soo dejiyay Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari.

Ragan burcad badeeda ah oo laga soo kaxeeyay xabsi ku yaala jasiirada Seychelles oo maxkamad ku taala dalkaasi ku xukuntay dembiyo kala duwan oo la xiriira burcadbadeednimo ayaa waxaa si rasmi ah maanta ula wareegay masuuliyiin ka tirsan xukuumada Puntland.

Goobta laga soo dejiyay ragan 5ta ah ee burcadbadeeda ah waxaa ku sugnaa wasiir ku xigeenka wasaarada dekedaha  iyo ladagaalanka Burcadbadeeda Eng Maxamed Ciise isagu si rasmi ah u qaabilay maxaabiistan, isagoo sheegay sheegayna in lagu xiri doono xabsiyada Puntland .

 Taliyaha ciidamada Asluubta Puntland Gen Cali Nuur oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay tani qeyb katahay heshiisyada ay kala sixiixdeen dowlada Puntland iyo Jasiirada Seychelles.

Qaar kood maxaabiista maanta soo dejiyay ayaa iyana saxaafada lahadlay sheegayna in dareenkooda ku faraxsanyihiin xabsiga lagu xukumay in ay ku qaataan gudaha dalkooda .

Sawiro







One Response to Puntland oo Maanta lagu wareejiyay Maxaabiis Burcadbadeed ah+Sawiro

  1. Dadkaan lakeenay ma ree Puntland ba walaalyaal ?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print