Lacagtan oo ahayd  mid Faalisa ah ayaa waxay  dhameyed 140 milyan oo shilinka soomaaliga ah  iyadoo goobta lagu gubay ay goob joog ka ahaayeen Madaxda Bangiga  Puntland .Ciidamada Amniga .iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka  

Waxaa goobtaas hadal kooban ka soo jeediyay Agaasimah Guud ee Bangiga Puntland Xirsi Maxamed Jaamac oo isagu sheegay in lacagtan ay tahay mid  soo gashay bangiga boosaaso isla markaana ay  ka qabteen   gudah Bangiga isagoo sheegay in loo bahan yahay siday uga hortagayaan  in ay dadku ku sirmaan iyagana bulshada looga baahanyahay inay iska ilaaliyaan isagoo bulshada kula dardaarmay inay la shaqeeyan Bangiga  iyo Ciidamada Amniga isagoo  bulshada u sheegay in lagactan faalisada ah ay ka samaysantahay waraaq  nooca A4 loo yaqaan hadyna arkan ay dareemi karaan isagoo sheegay inay iyaguna il gaara ku eegi doonan

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Muuse Xuseen Ducaale oo ah  Maamulaha Bangiga MaamulkaPuntland ee laanta boosaaso ayaa isna sheegay in ay bulshada uga digayaan inay qaatan lagactan isla markaana ay si feejigan isiiga fiiriyaan isagoo u tilmaamay lacatu noocay tahayna   oo uu ku sheegay in ay tahay mid dhinacyada kacad midabkeeduna uu yahay mid koobi ah qof walboo arkana uu aqoonsan karo inay faaliso tahay waxaana uu bulshada uu  uga digay lacagtaa isagoo ugu baaqay inay iska ilaaliyaan madama ay lagta soomaaliya tahay mid asal ah oo hada sii duugoobaysa 

Waxaa intaa kadib la gubay lacatii oo isugu jirtay Kun Kun iyo Shan Shan Boqol .

Ma ahan markii ugu horaysay ee Bangiga MaamulkaPuntland ay gubaan lacag faaliso ah shalay ayey ahayd markii lacag tan oo kale ah lagu gubay bangiga magaalada galkacayo ee Maamulka Puntland.

SAWIRO


Axmed Nuune
SBC International Boosaaso