Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamud Faroole ayaa maata ka qayb galay kulan balaran oo lagu daahfurayey hal milyan oo xoolaha ah una badan riyo oo laga talaalayo xanuunka Sababka ku dhaca, Puntlad oo idil,

Barnaamijkan ayaa waxa si gaara u wada fulinaya dhakhatiir ka socda wasaarada Xananada xoolaha Puntland iyo Ha’yadda FAO oo dhaqaalaha ku baxaya tiimamka aadaya dhulka miyiga ah bixinaysa.

Wasirka Xananada xolaha Puntlad Sicid Xasan Xhire oo ka hadlay goobta ayaa sheegay tirade xoolaha la talayo iyo kuwa horay sanadihii hore uga faa’iidaystay, waxaanu sheegay wasiirku in tiro ka badan halmilyen ay talaalayaan.

Barkhad Shire oo ah Madaxa Ha’yada FAO ee Puntlad oo barnaamijkaan caafimadka xoolaha looga talalayo cudurada maalgalinayso ha’yada uu wakiilka u yahay isagoo tilmamay in mashruucan uu dabo socdo mashariicdii horay ay ula wadeen wasarada xaananada xoolaha Puntlad.

Madaxwaynaha Puntlad C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo neefkii ugu horeeyay gacantiisa ku talalay ayaa sheegay in uu yahay mashruucan mid wax tar wayn u leh Puntlad madama ayuu yiri xoolaha nool ay laf dhabar u tahay bulshada Somaliyed.

Sawiro



C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe