Waxaa caawa lagu dhawaaqay 118 Arday oo ka soo baxay Intaxaan loogu tartamayay Deeq Waxbarasho oo ay dowlada Turkiga ugu Deeqday Ardayda Soomaaliyeed ku waas oo Puntland kaga soo beegmay .

Ardaydan ayaa magacyadooda waxaa laga dhawaaqay xaflad lagu qabtay Magaalada Garoowe taas oo ay goob joog ka ahaayeen dhinacyada Maamulka Puntland oo ay ugu horeyso wasaarada Waxbarashada iyo Macalimiin ka socday dalka Turkiga.

Isla maanta ayay aheyd markii in ka badan 4kun oo arday ay u fariisteen sidii ay u heli lahaayeen fursadan qaaliga ah ee ay dowlada Turkiga Soo bandhigtay waxaana 4taasi kun oo arday ka soo baxay oo nasiibkooda ku helay in ay turkiga waxbarasho jaamacadeed iyo mid dugsi sare ka helaan 118 arday sida uu ay ku dhawaaqday wasaarada Waxbarashada Puntland .

Sikastaba ha ahaatee ardaydan ku 118 ah ee ku guuleystay imtaxaankii la qaaday ayaa waxay u badanyihiin kuwo helay waxbarasho Jaamacadeed halka qaarkoodna heleen waxbarasho dugsi sare oo dalkaasi Turkiga ah.

SBC International Garoowe