Kulan saxaafadeed ay ku qabteen Xarunta wasaarada Maaliyada Puntlande Garoowe wasiirka wasaaradaasi Faarax Cali Jaamac iyo Gudoomiye yaasha Bangiyada Puntland ayaa waxay ku shaaciyeen in dowlada Puntland ay go’aansatay Lacag cusub oo ay daabacaneyso.

Faarax Cali Shire wasiirka Maaliyada waxa uu intaasi ku daray in lacagta la soo daabacayo ay hormuud ka yihiin dowlada KMG ah iyo Puntland islamarkaana ay dalka soo geli doonto dhamaadka bishan .

Isagoo faah faahinaya lacagtan ayuu sheegay in ay noqon doonto mid u kala qeyb  san lix nuuc  oo kala ah 1000,2000,5000,10000,20000,50000 islamarkaana ay tahay shiling somali ayna bedeli doonto tan iminka suuqa ku jirta .

Sidoo kale Waxa uu ka hadlay wasiirku lacagaha sarifk doorlarka oo hoos u dhacay islamarkaana loo sababeynayo lacagihii shiling soomaaliga ahaa oo yaraaday, ayna dowladu ku dhawaaqeyso canshuurihii ay ganacsatada ka qaadeysay lagu qaadayo %50 Shiling Somali halka 50ka kalena lagu qaadayo lacagta qalaad.

Hadalka ka soo yeeray dowlada Puntland ayaa noqonaya mid gees u ridaya isku dhexyaac dhowaalahan ku kala jiray sarifka doolarka oo hoos u dhacay iyo qiimeyaasha maciishada oo kacsan.

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe