Dowlada Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay Warar sheegaya in dowladu ay raadsaneyso shaqsiyaad siyaasiyiin ah islamarkaana dooneyso in ay xabsiga dhigto.

Taliyaha Ciidamada Police Puntland gen Maxamed Siciid Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa been abuur ku tilmaamay warkaas isaga ah isagoona sheegay in ciidamada Puntland ay amaanka sugayaan cidkasta oo amaan xumo wadana ay xabsiga dhigayaan.

“Arintaa wax ka jiraa ma jiraan, dad inta guryahoodii ciidanku tageen oo ay doon doonayaana ma jirto, laakiin cidkasta oo amaan dari ka sameysa Puntland waalaqabanayaa” ayaa ka mid ahaa hadalka Taliyaha ciidanka Police-ka Puntland

Marlaweydiiyay Taliyaha Hadaladaasi in ay ula jeedaan dad qaas ah ayuu kaga jawaabay in ka ciidan Police ahaan ay amaanka ilaalinayaan, cidkasta oo amaanka wax u dhimeysana aysan magacyo u kala laheyn xabsigana la dhigi doono.

Waxaa sidoo kale uu ka hadlay Taliyaha ciidanka Police-ka Puntland Nin ka tirsanaa xukuumadii hore ee Puntland oo ay ciidamada Police-ku xabsiga u taxaabeen inkastoo maanta la siidaayay.

Faarax C/laahi oo looyaqaan Faarax Gaab oo ah ninka ay ciidamada Police-ka Xabsiga u taxaabeen ayuu sheegay taliyuhu in loo xiray howlo falal amaan dari ah oo uu ka waday Magaalada boosaaso, hadase lagu sii daayay damaanad waa sida uu hadalka u dhiagye.

Sikastaba ha ahaatee Taliyaha Ciidamada Police-ka Puntland waxa uu dhaar ku maray in cid kasta oo amaanka Puntland wax u dhimeysa ay Xabsiga dhigi doonaan, waxaana hadalada taliyaha imaanayaan xili dadka gobolka ay isla dhexmarayaan in dowlada Puntland ay raadineyso rag siyaasyiin ah.