Afhayeenka  madaxtooyada puntlan axmed cumar xirsi libaax joore oo maanta  warbaahinta kula hadlayey xarunta madaxtooyada ee magaalda Garoowe ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday wariye Cali Axmed Cabdi habeen hore kooxo hubaysan  ay ku dileen magaalada gaalkacyo.

Waxaa uu sheegay Afhayeenku in dowladu ay baaritaano wado islamarkaana ay maxkamad soo taagidoonaan cidii ka dabaysay dilkii wariyaha.

Dhankale  afhayeenku waxaa uu  ka hadlay xiritaan ka idaacada codka nabada Boosooso iyo agaasimihii idaacadaas oo xabsiga loo taxaabay waxaana uu ku tilmaamay xiritaanka idaacada ay ka dambaysay ka  dib markii ay waraysteen kooxo lidi ku ah jiritaanka Puntland

Waa markii ugu horaysay ee Puntland ka hadasho dilkii wariye Cali Axmed Cabdi oo kooxo aan hayb tooda la garanayn ay ku dileen  markaalada gaalkacyo iyo xiritaanka idaacada codka nabada Boosaaso oo dhawaan ciidamada amaanka Puntland ay albaabada ulaabeen

Maxamed Siciid Yusuf
SBC International Garoowe