Saraakiisha Maamulka Puntland ee Magaalada Gaalkacyo Xarunta gobolka Mudug ayaa qeylo dhaan ka soo saaray lacago falso ah oo kudooyinkii ugu dambeeyay ku soo badaneysay magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka.

Xiririyaha Wasaarada Arimaha gudaha Puntland ee gobolkas Axmed AXmed Cali Salaad ayaa wareysi uu siiyay SBC International waxa uu ku sheegay in lacagahaasi oo aad uga duwan tan rasmiga ah ee Shiling Somaliya ay ku arkeen qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan deegaanada Puntland, taasina uu ku tilmaamay mid aan habooneen lagana digtoonaado.

Waxa uu sidoo kale sheegay in lacagahani ay si aad ah ugu eg lacagta Kunka Shiling ee iminka la isticmaalo, balse ay ka sameysantahay waxyaabo aan loogu talagalin sida Warqadaha wax lagu daabacdo ee loo yaqaan A4ta ayna ku buufsantahay ranji waa sida uu hadalka u dhigay.

waxaa kale oo uu tilmaamay in hadii ay wada gaarto lacagtan qeybaha kala duwen ee dalka ay noqoneyso mid saameyn xoogan reebta islamarkaana ay dhaliso dhibaatooyin dhaqaale, isagoona tusaale u soo qaatay in uu ka imankaro Sicir barar xoogleh,

Mar la weydiiyay halka ay lacagahani ka yimaadeen ayuu xiriiriyuhu ka gaabsaday Jawaabta Su’aashaasi walow uu sheegay in ay u badinayaan in lacagahan Faalsada ah lagu sameeyo qeybo ka mid ah gobolada Soomaaliya siiba Gobolada dhexe,

Ugu dambeyntii waxa uu ugu baaqay qeybaha kala gedisan ee Ganacsatada, Dadweynaha, iyo Bangiyadaba in ay ka digtoonaadan ayna iska ilaaliyaan maadaama ay tahay mid ka duwan lacagta rasmiga ah ee Shilinka Somaliga marka loo eego qaabka ay u sameysantahay iyo weliba astaamooyin uu ku sheegay in ay ku leedahay bartamaha siiba Halka ay ku sawiran yihin 2da haween ee Soomaaliyeed.

SBC International News Desk