War ka soo baxay ha’yadda ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah ee Puntland Marka magaceedana la soo gaabiyo loo yaqaann HADMA ayaa lagu sheegay xeebaha badwaynta hindiya  ee somaliya gaar ahaan ku teedsan Deegamo hoos taga Puntland ay ku soo fool leeyihiin lagana cabsi qabo bad gariir xoogleh oo la mid ah kii ka dhacay sideed sano ka hor, waxaana ay ku shegtay sidoo kale in ay uga dagisayso dadka ku dhaqan degamadaasi in ay ka fejignaadaan kalana baxaan agabyada ay ku shaqaystaan iyo hantida kale iyagoo ka badbaadinaya naftooda iyo wixii hantida ay la bixi karaan.

Warkaan sidoo kale laguma shaacin inta cabirkiisu yahay dhul gariirkaan Tsunami ah  iyo xiliga uu ku soo fool leeyahay inkastoo la shaaciyey in uu hada saaran yahay Dalalka Asiya ee qaybtood kulaala badwaynta hindiya.

Saadalaha cimilooyinka aya iyaguna dhankod sheegaya in ay bad gariirkaani uuna samayn u gaystaan dalka indunisia, waxaana qoraalkaani ka soo baxay ha’yadda Hadma ku saxiixnaa Mareeyaha guud ee C/laahi C/raxmaan Cayrow0

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC INternational Garoowe