Ciidamada Amaanka Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ku soo bandhigay ku dhowaad 10 qof oo sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada Amaanka Puntland ay ku soo qabteen Howlgalo 2 maalin soconayay oo ay ciidamada ka sameeyeen deegaanada Xeebaha ah ee Garacad iyo Ilig, .

Dadkan la soo badhigay islamarkaasna ahaa Burcad badeed ayaa waxaa lala soo qabtay Qalabkii ay wateen sida Gaadiidka Bada, Hub iyo shidaal.

Afhayeenka Xukuumada Puntland Axmed Cumar Xirsi Libaax Joore oo Saxaafada kula hadlay Goobtii lagusoo bandhigayay Ragani ayaa sheegay in Ragani Burcad badeeda ah lagu soo qabqabtay Howlgalo bilowday 25tii bishan islamarkaana soo dhamaatay 26da Bishan, kuwas oo ay ciidamadu ka fuliyeen Deegaanada Xeebta kulaala ee Ilig iyo Garacd.

Waxa uu sidoo kale Faah faahin ka bixiyay Hubkii iyo weliba agabkii kale ee ay wateen sagaalkan nin kuwas  oo uu sheegay in ay ku doonayeen in ay ku galaan badda islamarkaana ay ku fuliyaan howlgaladooda Burac badeed nimo.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Dowlada Puntland aysan ka hari doonin Howlgalada Ceynkan oo kale ah islamarkaana ay sii wadayaan kana fulinayaan deegaanada xeebta ah ee ay burcad badeedu ku sugan yihiin, waxaanu hadalkiisa ugu mahad celiyay dadka deegaanada haatan laga fuliyay Howlgalada lagu soo qabqabtay Ragan oo uu sheegay in ay ciidamada si wanaagsan u soo dhaweeyeen ,

DAAWO SAWiRADA



 



M
axamed Siciid Yuusuf

SBC International Garoowe