Madaxweynaha Dowladda Puntland eeSomalia Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa booqasho rasmi ah kugaaray Magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowladda Deegaanka Somalida ee dalkaEthiopia, iyadoo uu kulamo muhiim ah la yeeshay madaxda Dowladda DeegaankaSomalida (DDS) ee dalka Ethiopia.

Madaxweynaha DDS Mudane Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi Iley) oo ay Madaxweyne Farole kasoo wada duuleen magaaladaAddis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia maalintii Jimce 15 June 2012, iyadooMadaxdaasi iyo Wufuudii la socotay si weyn loogu soo dhaweeyey MagaaladaJigjiga, waxaana soo dhaweeyey qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta DDS, Bulshadarayidka ah iyo saxaafadda.

Wafdiga Dowladda Puntland oo uu hogaamiyo Madaxweyne Farole ayna ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. CabdullahiAhmed Jamac (Ilkajir) iyo Wasiirka Waxbarashada Mudane Cabdi Farax Siciid(Juxa) ayaa waxaa loo bandhigay xaflad-sharaf oo si heer sare ah loo sooagaasime.
Maalmihii ay Wafdiga Dowladda Puntland ku sugnaayeen Magaalada Jigjiga ayaa waxaa u qabsoomay howlo muhiimah, iyadoo Mas’uuliyiinta DDS ay soo bandhigeen warbixin (presentation) kusaabsan qaabka uu maamulkoodu u shaqeeyo, mashaariicda horumarineed sidabiyaha, waddooyinka iyo korontada ee ka socda deegaanada ay maamusho DDS, iyoxiriirka wadashaqayn ee ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Ethiopia iyo DowladdaDeegaanka Somalida ee dalka Ethiopia.
Sidoo kale, Wafdiga DowladdaPuntland ayaa booqday xarumo ay ka mid yihiin Isbitaalka Guud oo dhismihiisadhowaan la dhamaystiray, Jaamacadda Jigjiga oo ay dhigtaan kumanaan-kun ardaySomali ah, Xarunta Agoomaha ee magaalada Jigjiga, iyo Dugsiga Caafimaadka(Health College), halkaasoo Madaxweynaha Puntland uu kula kulmay arday Reer Puntland ah oo deeqo waxbarasho ah ka faa’idaysanaya.

Wafdigii Dowladda Puntland oo uu wehliyo Madaxweyne-ku-xigeenka DDS Cabdifatax Maxamud Xasan ayaa kulan balaaran la yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee DDS iyadoo laga wada hadlay arrimo la xiriira dhaqanka iyo isu dhowaanshaha iyo isdhexgalka dadka walaalaha ah.

Maalintii Isniinta 18 June 2012 ayaawaxaa Heshiis Guud si wadajir ah u saxiixay Madaxweynaha Puntland Dr. Faroleiyo Madaxweynaha
Dowladda Deegaanka Somalida ee dalka Ethiopia Mudane CabdiIley, iyadoo heshiiskaas uu sii xoojinayo heshiiskii Puntland iyo DDS ay wadasaxiixeen 27 June 2010, waxaana Heshiiska Guud lagu xusay arrimo muhiim ah aynaka mid yihiin Amniga iyo Ganacsiga sharci-darrada ah (Security and IlegalTrade); Dhiirigalinta Ganacsiga Sharciga ah (Lawful Commerce); iyo IskaashigaGuud ee arrimaha Horumarinta sida biyaha, waxbarashada, iskaashiga xilliyadaxaaladda degdega ah sida masiibooyinka dabiiciga ah (General Cooperation onDevelopment Affairs).
Safarkii Wafdiga Dowladda Puntlanduu hogaaminayey Madaxweyne Dr Cabdiraxman Farole ayaa guul ku soo dhamaadayiyadoo la filayo in si weyn loo dardargalin doono xiriirka wadashaqayneed eearrimaha amniga iyo ganacsiga ee ka dhaxeeyaa Puntland iyo DDS.
WafdigaPuntland ayaa maalintii Talaado 19 June 2012 gaaray magaalada Nairobi eexarunta dalka Kenya, halkasoo uu ka furmay Shirkii Madaxda Somalida ee laxiriiray Geedisocodka (Roadmap-ka) sida arrimaha ansixinta Dastuurka cusub eeJamhuuriyadda Federaalka Somalia iyo dhamaystirka xilliga ku meel gaarka, sidalka Somalia u helo Dowlad rasmi ah.
Sawiro











 
— END —

 

Communications Office

The Puntland Presidency
Office: +252 90 794312 / 790999 / 794040 / 799128