Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa waxa uu dhaliil kala dul dhacay Hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala Degaanada Puntland.

Camey ayaa sheegay masuuliyiinta Hay’adahaas badankood in ay u muuqdaan kuwo dalxiis ku jooga Puntland, hase ahaateen aan wax shaqo ah u heyn shacabka ku dhaqan Puntland.

Waxa uu sheegay Hay’adahaas in la doonayo in lagula xisaabtamo shaqooyinka ay hayaan, isaga oo dhanka kale shacabka iyo Puntland ugu baaqay in ay samyeen iskutashi ay kaga maarmi karaan Hay’adahaasi.

Masuuliyiinta Puntland ayaa inta badan Hay’adaha ka howlgala Degaanadooda waxa ay ku dhaliilaan wax qabad la’aan, iyaga oo sheegay ilaa hada in aysan fulin mashaariicdii loo baahnaa.