Puntland oo ka digtey Wax ka badelka heshiisyadii Soomaalida ee Adis ababa

Shir jaraaid oo ay xarunta madaxtooyada Puntland ku qabteen qaar ka mid ah golaha wasiirada Puntland Waxay dhaliil kaga muujiyeen shaqsiyaad aysan carabaabin oo ay sheegeen in ay qorsheynayaan waxkabedelid ay ku sameeyaan heshiiskii Addis ababa ee dhinacyada Soomaalidu ku wada gaareen sidii looga bixilahaa xiliga kumeelgaarka iyo heshiisyadii ka horeeyey ee garoowe iyo Muqdisho.

Faarax Cali Shire wasiirka maaliyada Puntland oo warfidiyeenada u aqriyay warsaxaafadeedka ayaa sheegay in Puntland ay ogaatay in la wado qorshe wax looga bedelayo heshiiskii Addis Ababa iyo kuwii ka horeeyay Puntlana ay ka digeyso.

“Puntland Waxay ka digeysaa in geedi socodka Nabada Soomaaliya laga leexiyo wadadiisi, waxaa soo baxaya Muuqaalo kala duwan oo muujinaya in kooxo dano gaara leh ay isku dayayaan in ay wadada ka leexiyaan geedi socodka Nabadda Soomaaliya” ayaa hadaladiisii ka mid ahaa Wasiirka Maaliyada Puntland.

Waxa uu carabka ku adkeeyay Wasiirku in Dowlada Puntland aysan Masuul ka noqondoonin wax walba oo is hortaag iyo carqalad ku noqonkara dhameystirka Xiliga kala guurka, Dastuurka iyo Arimo badan oo wadada ka leexin kara geedi socodka Nabadka Soomaaliya.
Dhanka kale waxa uu sheegay Wasiirku in Puntland ay diyaarisay Ergooyinkii uga qeyn qaadan lahaa Ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo xubnihii ka mid noqon lahaa Baarlamanka Cusub ee Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Puntland dhaliil u jeediso dhinacyada Soomaalida waxayna ku soo beegmeysaa xili dhowaan dhinacyada Soomaalida ay heshiis lagaga gudbayo xiliga Kumeergaarnimada ku saxiixdeen dalka Itoobiya .

Maxamed Siciid
SBC International Garoowe

One Response to Puntland oo ka digtey Wax ka badelka heshiisyadii Soomaalida ee Adis ababa

  1. Xirsi deni says:

    Kkkkk.awrka dambe awrka hore saanqaadkiisuu leeyahay marxum c/hi yuusuf isagoo leh dastuurkaa lagu xadgudbey ayey gaaladii eriday kuna bedeshey shariif munaafiq si culimada jihaadka loo kala qaybiyo.hadda faroole waa wadadii miyaanay tusaale unoqon markii c/hi la eryey oo wadankii lagu soo galay oo saalixii yemen uu martida u.ahaa shacabkii eryey oo beerkii feega ahaa xumbeeyey naxdin kuna dhintay sariir hospital dubey loo qaaraamay oo meydkiisi gaalkacayo laga soo dejiyey kadibna gaala iyo munaafiqiini ku tukatey maxaa faroole looga la.yahay diintiibaa lagu xadgudbey ?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print