War saxaafadeed ay soo saartay dowlada Puntland manata oo ah 2lulyo 2012 ayaa waxaa lagu cambaareeyay weerarka afduubka ah ee gudaha dalka kenya ka dhacay kaasi oo lagu afduubtay shaqaale hay’ad samafaleed oo ka shaqeynayay xerada dhadhaab 29ka bishii June.
Warsaxaafadeedka waxaa sidoo kale lagu cambaareeyay weerarkii 1da bishani july ka dhacay goobo kaniisado ah oo ku yaala gudaha magaalada Gaarisa,
Dowlada Puntland waxay ku tilmaantay weerarka afduubka ah iyo kan qaraxyadaba mid lagu qaaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan, isla markaana afduubka lagu beegsaday shaqaale ka shaqeynayay gargaarka ay tahay mid ay cambaareynayaan.
Waxaa sidoo kale warsaxaafadeedka loogu tacsiyadeeyay dadkii ay eheladooda ku waxyeeloobeen halkaasi .
Sikastaba ha ahaatee warsaxaafadeedka ka soo baxay dowlada Puntland ayaa ku soo aadaya xili maalin nimadii shalay qarax lala eegtay kaniisado ku yaala Gaarisa ay ku geeriyoodeen dad kor u dhaafaya 17 qof, dhinaca kalena ay ciidamada DKMG ah soo furteen shaqaalihii ajanabiga ahaa ee 3maalin ka hor laga afduubtay xerada qaxootiga ee Dhadhaab.
SBC International Garoowe
Daalacatey :278