Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Axmed Cumar Xirsi libaaxjoore oo maanta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qabtay Shir jaraaid waxa uu ku beeniyay ciidamo ka tirsan Puntland lagu laayay deegaanka Madarshoon iyo sugure oo ka tirsan deegaanka galgala, warkaasi oo ay shalay qoren qaar ka mid ah warbaahinada Soomaalida.

Waxa uu sheegay Libaaxjoore in aysan jirin wax dagaal ah oo halkaasi ka dhacay wararkaasina ay baahiyeen warbaahinada taageesan xarakada mujaahidiinta Alshabaab.

Waxa uu afhayeenku sheegay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona laheyn dhadooyinka la sheegayna aysan ka dhicin deegaanada hoosyimaada Deegaanka Galgala.

Dhinaca kale Afhayeenku waxa uu sheegay in guud ahaan uu sugan yahay amniga puntland uuna ka furmayo magaalada Garoowe shirkii wada tashigay qeybtiisa labaad ayna siweyn u adkeeynayaan ciidamada Amaanka amaanka qeybihiisa kala duwan.

Hadalka Puntland ee ku aadan Beeninta in ciidamo lagaga laayay Deegaanka Galgala ayaa imanaya xili Maalintii shalay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalidu ay shaaciyeen in ciidamo ka tirsan Puntland lagu laayay Deegaanka Galgala.

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC INternational Garowe