Wararka ku soo dhacaya qolka warqabadka Idaacada SBC international ayaa sheegaya in dowlada Puntland ay albaabada u laabtay idaacado Fm ah oo ka howlgala deegaanada Puntland.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in warqad ka socota xukuumada lagu joojiyay shaqadii idaacadaha Daljir iyo 1Nation ay ka hayeen deegaanada Puntland siiba magaalada Boosaaso.

Inkastoo aan jirin xaqiijin dhab ah oo ku aadan sababaha loo xiray idaacadahan ayaa hadana waxa jiray mudooyinkii ugu dambeeyay Go’aano hay’ada warfaafinta Puntland ku soo rogtay Idaacadahan balse aan sidii la rabay u hirgelin.

Waxii faah faahin ah ee ku soo kordha talaabadan lagu xiray idaacadahan kala soco wararka dambe.