Maamulka Puntland Iyo Urur Goboledka Igad Mashruuc ay maalgalinayso oo lagu magacabo IRAB isla markaasna lagu yaraynayo Cudurka HIV/AIDSka fidisa iyo sidii dadka laga wacyi galin lahaa ayaa manta waxaa ay ku kala saxiideen Xarunta Ha’yadda u qaabilsan Wacyigalinta iyo Xakamaynta Cudurka ee PAC oo uu dhinac maamulka Puntland u saxiixay

Agaasimaha Ha’yada Pac Dr C/raxmaan Siciid Dhagawayne oo kawaramay mashruucan uu saxiixay iyo Faa’dooyinkiisa  oo uu ku tilmamay mid fa’ido ugu jirto dhaman  dadka puntland ayna Fulinayaan Ha’yado Maxaliya

Dhanka kale Dr Axmed Xasan Axmed oo ka socday IRAB oo ah Mashruuca ay Maalgalinaso Urur Goboledka IGAD ahaana Masuulka u saxiixay ayaa ka waramaya Goobaha uu soomaaliya Ka fulayo iyo Cida qabanaysa isagoo sheegay in  uu Barnaamijkaani uu ka fulayo Puntland Somaliland iyo koonfurta Somaliya socona doono mudo 2 sano ah

Waa markii ugu horaysay ee Mashruuc Noocan oo kale ah lagu wareejiyo dhaqalihiisa Ha’yad Dowladeed  halka markii hore loo soo marin jiray Ha’yado kale taas oo ay sheegen Masuuliyinta Ha’yada PAC mid guul u ah puntland.

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe