Maamulka Puntland ayaa Go’aamo ka soo saray qiimaha Talefoonada Lagu Hadlo Gudaha iyo Dibada Markii ugu horaysay.

Wasirka warfaafinta Hidaha iyo Dhaqanka Puntland Axmed Cali Askar oo shir jara’id ku qabtay xafiskiisa  ayaa kawaramaya Go’aanka ay  ka soo sareen oo ay ku wargalinayeen Shirkada isgaarsiinta qiimaha lacagta lagu hadlayo in ay ka siman yihiin dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa shirkadaha  isgaarsiinta waxaana laga dhigay qimaha Daqiiqadaha gudaha Puntland ay ahaan doonto 0.036, daqiiqadaha melaha ka baxsan Puntland Gaar  ahaan marka la wacayo  Qaybaha kale ee somaliya  ay ahaan doonto 0.05, Caalamka itniisa kalana ay ahaan doonaan 0.30, waxa uu

Waxaana lagu adkeeyay Shirkada Isgaarsiinta in ay dhowraan Jangoynta ay Xukumadu soo sartay oo dhanka Qimaha Hadalka Talefonka   waxaana Horay Maamulka Puntland uu Xeer uga soo saaray in dib looga furi Karin Shirkado isgaarsiin Puntland inta laga Saxayo Nidamka Isgarsineed sida uu ku waramayo Wasirka warfaafinta Puntland Mark kale

Waa Markii ugu horaysay ee Xukumadu Puntland ay Qimo rasmi ah ka soo sarto shirkada Talefoonada Lagu hadlo oo hal qiimo oo siman dal iyo dibadba loo isticmaalayo inkastoo aysan wali ka hadlin Masuliyinta Shirkada Talefoonada oo hada ay ku yaalan shirkado garaya sadex shirkadoo oo wawayn  

C/naair Yaasiin Salaad
SBC International- Garoowe