Kulanka oo ka Dhacay Hoolka shirarka ee Rugsan Square ayaa waxaa soo Qabanqabiyey Dallada Daneeyayaasha aan Dowliga ahayn ee Puntland waxaana loo Qabtay Qaybaha Bulshada Rayidka ah ee Puntland.

Nuur Maxamed Nuur oo ah Gudoomiyaha PUNSAA ayaa Sheegay ujeedada in ay Tahay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo Aduunka Guud ahaanba laga Xuso ayna Urur ahaan soo Dhawaynayaan Xusitaanak Maalintaani ee Deegaanda Puntland.

Xildhibaan Saadiq abshir Garaad oo kamid ahaa Xubnihii lagu Casumay Shirkaani ayaa isna ka Hadlay Xuquuqul Insaanka iyo Doorka Bulshada sidoo kalna Sheegy in Dastuurka Puntland uu Qeexay Xuquuqul Insaanka Dhawaantana ay Mudanayaahsa Baarlamaanak Puntland Ansixiyeen Xeerka Xuquuqul Insaanka Puntland

Maxamed Xasan Barre waa Guddoomiya Guddiga Kumeel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland Waxaana uu Sheegay in Xuquuqul insaanka uu yahay Mowduuc aad u Ballaran oo Qeexaya Dhammaanba Xuquuqda Qofka dhinacyo Badan  Sida in uu Xorriyad ku Noolaado waxna Doorto lana Dooran karo .

Agaasimaha Guud ee  Punsaa Faadumo Ibraahim{Maalta} ayaa iyana Sheegtay in Barnaamijkan Oo Maalinle ah looga Doodidoono Xuquuqul Insanka oo Puntland Sharci Kasoo Saartay sidoo kalana ka Sheekaysay Taariikhda Maalintaani iyo in Sandaan ay ku soo Beegmatay iyadoo Deegaanda Puntland laga Mamnuucay Gudniinka Fircooniga ah iyo Tacadiyada ka Dhanka ah Dumarka..

Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha ayaa Siwayn looga Xusay Sanadaan Deegaadna Puntland iyadoona Maalinimadii Shalay ahayd ay isu soo Baxyo Waawayn ka dhigeeen Magaalooyink Puntland Ururada kala Gadisan ee Haweenak iyagoona ku Taageersanaa Joojinta Gudniinka Fircooniga ah ee Puntland sida Rasmiga ah loogaga Dhawaaqay ayna soo Dhaweeyeen Dhammaanba Bulshada Qaybaheeda kala Gadisani.

DAAWO SAWIRO




Yusuf Maxamed Maxamuud {Yusuf Yare}
SBC International Garoowe