Prof Axmed Ismaaciil Samatay oo ka mid ah Aqoonyahanada ugu waaweyn umada Soomaaliyeed ayaa been abuur iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay doonitaankiisa ku aadan in uu xil ka qabto Maamulka La baxay Soomaaliland ee ka arimiya gobolada Waqooyi galbeed Soomaaliya.

Pr Samatar oo maanta iska casilay Xilka xubinnimada Baarlamanka Dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu ka tirsanaa ayaa waxaa durbadiiba soo baxay warar sheegayay in ay ka dambeyso is casilaadaasi doonitaan uu doonayo in uu ka mid noqdo Maamulka Soomaaliland.

Wareysi uu siiyay Warbaahinta caalamiga ah ee Afka Soomaaliga ku hadla ayuu Profsoorku sheegay in arintaasi ay tahay mid aan suurto gal ka aheyn uuna si iskiisa ah isaga casilay ka mid ahaanshaha Baarlamanka Soomaaliya,

Waxaa kale oo uu tibaaxay Prof Samatar in uu siweyn ugu faraxsanyahay shaqo ka tagistiisa danaha Soomaaliyeed oo uu markii horeba ka shaqeynayay uu ka soo shaqeyn doono waligiisna ka tigtoonyahay waxyaabaha kala qob qobaya Soomaalida.

Sikastab ha ahaatee inta badan Prof Axmed Ismaaciil Samatar waa nin dibad joog ah, kumana badna joogitaanka gudaha Dalka waxaana uu wax ka dhigaa Jaamacad ku taala Dalkaasi Mareykanka .

SBC International News Desk