Xildhibaan Prf Cabdirisaaq Cismaan Xasan Juurille oo ah Xildhibaan Katirsan Barlamaanka Cub ee Somalia ayaa Shaaciyay Inuu Yahay Musharax utaagan Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Cusub ee Somalia .

Prfka ayaa SBC u Xaqiijiyay Jiritaanka inuu Yahay Musharaxa Xilka Gudoomiyaha Somalia Xili Maalintii Shalay uu Kamid ahaa Xildhibaano kor u dhaafay Labaqol oo Xildhibaan oo Ladhaariyay .

Xildhibaan Juurille Wuxuu Rajo wayn Kamuujiyay inuu Kuguu Laysto Xilka Gudoomiyaha Cusub ee Barlamaanka Somalia oo Maalmo Kooban oo Qura Ay Naga Xigaan Doorashadiisa.

Aniga Waxaan Xilka Gudoomiya Nimo Aan Udoorat ayaa ah In Baarlamaanku uu Yahay Hay,ada Kaliyah ee Laga Dheehan Karo Sharfta Dalka Marka Waxaan Doonayaa Inaan Soo Celiyo Nidaamkii Baarlamaan Lahaan Jiray Barlamaan Kuna uu Noqdo Mid Guta Waajibaadka Loo Doortay” .

Cabdirisaaq Cismaan Juurrille Waa Rugcadaa Siyaasi ah Saameyn Weenyan Kuleh Siyaasada Somalia Xilal Badana Kasoo Qabtay Dawladihii Soomaray Somalia Barisamaadkii iyo Kuwii Kumeel gaarka ahaa Ee Mudatii Bur Burka.

Juurrille Waa Xildhibaan Dawlada Faderaalka Somlia Kasoo Galay Deegaanad Puntland Waana Siyaasi Magac Weyn Kuleh Dhulka uu Kasoo Jeedo .

Hadii Prf Juurrile uu Ku Guulaysto Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Waxay Dhabar Jab Ku Noqonaysaa Siyaasiyiin Badan oo Beeshiisa Kasoo Jeeda Kuwaaso oo Dadaal ugu Jira Hanashada Xilka Madaxweynaha Somalia.

Somalia Waxay Wax Kuqaubsatay Nidaamka 4.5 Nidaamkaas oo Xilalka ay Ku Kala Qaybsadaan Somalidu

Madaxd Ugu Saraysa ee Waqitgoodii Dhamaaday ayaa Waxaa Caqabad Kunoqon Karta Siyaasiyiin Kale oo iyan Beelahooda Kasoo Jeeda oo Iyaguna Hunguriyeynaya In ay Helaan Xilka Gudoomiyaha Barlmaanka Somalia Taas oo Dhirbaaxo Kunoqon Doonta Siyaasiga Beeshiisu ay Qaadato Kurisiga Barlmaanka

Sikastaba Gudoomiyaha Ku Meel Gaarka ah ee Barlamanka ayaa Maanta Ku dhawaaqay in Maalinta Bari ah Wuxii Laga Bilaabo Laqaban Doon Araajida Mushariixiinta Utaagan Gudoonka Baarlmanaaka Somalia

Cismaan Saalax Ismaaciil 
SBC International Boosaaso