(Digniin Sawiro meyd ayaa ku jira kuma haboona caruurta & dadka qalbiga jilicsan inay daawadaan) Taliska Boliska Puntland ayaa Beeniyey in ay kamid ahaayeen labo nin oo labisnaa labiska ciidanka boliska Puntland oo la gowracay .

Player-ka hoose ka dhageyso Hadalka Taliyaha Halkan ka dhageyso hadalka Taliyaha

Taliye kuxigeenka Booliska Dawladda Puntlanad Maxamed Siciid Jaqanaf oo galabta shir,jaraa’id kuqabtay magaalada Boosaaso ayaa beeniyey in ragaasi la gowracay ay ka tirsanaayeen ciidanka boliska dawlada Puntland.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ragani ay ahaayeen labo mid kood, in ay ahaayeen dad ka mid ah kuwa deegaanka oo diiday in ay fuliyaan awaamiirta koox uu ku sheegay in ay yihiin al shabaab, ama in ay yihiin dad iyaga kamid ahaa oo kasoo horjeestay fikirkood. wuxuuna sheegay in ragani ay ahaayeen Rag in badan xiranaa islmarkaasina ay kamuuqatay duurf  iyo rafaad farabadan .

Hadalka taliska Boliska Puntland ayaa waxa uu imanayaa xili saaka lahelay meeydka laba ruux oo ku labisanaa Dareyska ciidanaka boliska Puntland oo loo geystay fal ah qoor goyn .

Cismaan Saalax ismaaciil
SBC International Boosaaso