Taliska Ciidanka Policeka Gobalka  Nugaal ayaa maanta soo bandhigay
nin mayd ah oo laga helay agaarka tuulada 22aad oo dhanka Bari kaga
began magaalada Garoowe ee caasimada Puntland kaasi oo ay soo sheegeen
qaar kamid ah wadayasha gaadiidka ee isaga kala goosha jidka dheer ee
isku xira magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe .

Iyadoona aysaxaafada u soo bandhigeen Taliyaha Qaybta Gobalak Nugaal
Faarax warsame C/rixmaan  iyo taliyaha saldhiga dhexe ee dagmada
Garoowe laba xidigle aadan Muse Jaamac loona soo gudbiyay mayd
ninkaais isbitaalak way nee magaalada Garowoe.
Taliya Qaybta Gobalka Nugaal Faarax Maxamed Daad oo saxaafada la
hadlay ayaa ka war bixyay waxa uu yahay ninkaani iyo sida uu u dhacay
falkaani xusayna in ninkaani uu qabay xanuun dhanka Maskaxda ah
maalmana la sheegayay in uu joogay inta u dhaxaysa magaalda Garoowe
iyo Tuulada 22aad.

Taliya qaybta Policeka ee Gobalka Nugaal ayaa sidoo kale ugu baaqay
wada yaasha gaadiidka qaybahooda kala gadisan  ee isaga kala goosha
magaalooyinka waawayne e deegaanada puntland inay la soo socodsiiyaan
ciidamda policeka Haddii ay dhacaan wax shil ah isagoona uga digay in
baabuurkii gala shil ee carara uu la kulmi dono ciqaab adag..

Waxaa inta badan ka dhaca wada laamiga ah ee isku magaalooyinka wawayn
ee deegaanada Puntland shilalka Gawaarida oo noqday kuwo soo noqnoqda
inta badan aysana meesha ka muuqan kaalintii laanta ilaalada
wadooyinka ee tarafikada.

Daawo Sawiro


Yusuf Maxamed Maxamud {Yusuf Yare}
SBC International Garoowe