Waxaa maanta ku farmay Magaalada Garowe wajigii labaad ee shirka qorshaha qariirada ee Somaliya kaas oo looga hadlayo Dastuurka iyo wax kabadalka Barlamaanka kaaso oo si ramsi ah uga furmay Xarunta Jamacada PSU, iyadoo maantana inta badan ergadii loogu tala galay ay ka soo qayb galeen Gaar ahaan Maamulada ka jira Somaliya qaybaha bulshada iyo Masuuliyiinta ugu saraysa DKS Punland Galmudug iyo Ahulu sunah Waljameeca waxaana sidoo kale qayb ka ahaa Ha’yadaha qaramada midoway gaar ahaan Xafiska Siyaasada Somaliya ee QM  oo Shirkaan Malgalinayey.

Furitaankii oo shirka wada tashiga tastuurka Somaliya ayaa waxaa ka hadlay ugu horayn qudbad dheerna ka jeediyay Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan maxamed Maxamuud Faroole oo ku tilmaamay mid Shirkaani guul ah Dhamaan  umada somaliyed una horseedi kara marxalad cusub  hadii uu hirgalo .

Raysal wasaraha Somaliya C/wali Maxamed Cali gaas oo isagu maanta soo gaaray Garowe kuna qornaa qudbada shirka ayaa ku sheegay in Dastuurka laga hadlayo uu noqdo mid ku salaysan Shareecada islaamka .

Gudoomiayaha Barlamnka Somaliya Sherif Xasan Sheikh Adan oo isna hadlay ayaa ka shekeyay Somaliya iyo Dastuurkii ay lahan jirtay kuna micneeyay in laga talaabsado waxaa hada dalku ku sugan yahay loona bahan yahay Somaliya oo ku midowda hal dastuur.

Madaxwaynaha Somaliya Shaikh Sharif Sheikh Axmed oo si rasmi ah u furay shirka ayaa kawaramay Marxalada la marayo iyo muhimada shirka
Inta uu socday shirku oo lagu wado in uu soo dhamaado sadex iyo labaatanka waxaa looga doodi doona Arrimo badan oo ku aadan Dastuurka iyo Wax ka badalka Barlamaanka somaliya.

Daawo Sawirada Shirka wada tashiga ee Maanta gelinkii dambe ka furmay magaalada garoowe Xarunta dowlada Puntland

Wasiirada Haweenka Puntland iyo R W Gaas

Gudoomiye Shariif xasan markii uu jeedinayay qudbadiisii shirka

Hadalka Markii uu ka jeedinayay Shirka madaxweynaha DKMG ah


Markii uu jeedinayay khudbada Madaxweynaha Puntland Dr Faroole

Fadhiga Masuuliyiinta Sar sare

Alfanaan Axmed Naaji Sacad oo ku sugan Shirka

Wafuudii ka soo qeyb galay shirka

Fanaaniintii Shirka ka qaadayay heesaha wadaniga

Markii uu Qudbada Jeedinayay Raiisul wasaare Gaas




Loading…..

Yuusuf Maxamed Maxamuud
SBC International Garoowe