Todobaadkan waxaa socdaal hawleed ku tagey wadanka Zambiya gaar ahaan magaalooyinka Lusaka & Ndola Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo xilal wasiir ka soo qabtey xukuumadihii Puntland, isla markaana sanadkii 2009-kii isagu soo taagey tartanka doorashada madaxtinomo, haatana u taagan tartanka doorashooyinka madaxtinimo ee Soomaaliya.

Cali Cabdi Awaare ayaa kulamo klaa duwan kula yeeshay magaalooyinkaasi Jaaliyadaha Soomaalida, ganacsatada waa weyn ee Soomaaliyeed ee dalkaasi ku sugan, waxgarad, aqoonyahano, dhalinyaro, & waliba masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dalwada Zambia oo uu ka mid yahay wasiirka arimaha dibada Kabinda Pande, kulamadaasi oo dhamaantood ku aadanaa xaaladaha kala duwan ee Soomaaliya.

Siyaasi Awaare ayaa dadkii uu la kulmay la soo qaaday xal u helida mushkilada gaamuurtey ee ka aloosan Soomaaliya, iyo sidii wadajir wax looga qaban lahaa, looguna gutan lahaa sidii midnimo & walaaltinimo loogu xalili lahaa xasaraha dalka ka oogan.

Kulamo gaar ah oo uu la yeeshay siyaasigu Jaaliyada, ganacsatada, & cuqaasha dhaqanka ee ku sugan wadankaasi ee ka soo jeeda Puntland ayuu uga warbixiyey xaalidihii ugu dambeeyey ee dhanka siyaasada, dhaqaalaha, amaanka iyo arimaha bulshada ee ka jira mandiqada Puntland, waxaana uu kala hadley sidii ay meel kasta oo ay joogaan dadka Puntland uga qayb qaadan lahaayeen horumarinta arimaha bulshada, amaanka & joojinta colaad kasta dhexmarta beelaha walalaaha ee wada dega gobolada Puntland.

DAAWO SAWIRADA


Maxamed Cali Iimaan
SBC News Desk