Daawo Sawirada Kulan Xalay Saqdhexe ku soo gaba gaboobay Madaxtooyada Puntland ee Garoowe islamarkaana loogaga hadlayay Xalinta Qilaafaadka Rabshadihii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolkaasi Mudug.

Waxaa Kulanka Goob joog ahaa Madaxweynaha Puntland iyo labada gole ee Xukuumadisa iyo weliba Xubno kale oo caan ka ah siyaasada Puntland oo uu ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland Cade Muuse Xirsi.

Warbixin

Waxaa lagu qabtay xarunta madax tooyada puntland habeenimadii xalayahayd xaflad si heer sare ah loo soo agaasiamay laguna soo afjarayay heshiiskii dhawaanat laga gaaray shaqaaqadii ka Dhacday magaalda Gaalkacyo ee xaunta Gobalkaasi Mudug ayna goob joog ka ahaayeen labadii dhinac ee ay arrintu saamaynaysay.

Kulankaani ayaa waxaa ka soo qayb galay Nabadoono ,Waxgarad ,isimo,Cuqaal duubabdhaqameedyo iyo Madaxda Dowlada Puntland uu horkacayay Madaxwayne Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad Maxamuud {Faroole}  ayaa shirkii xalay kasoo qayb galay waxaana sidoo kale goob jooge ahaa Madaxwaynihii hore Puntland Gen/Maxamud Muuse Xirsi , Madasha shirka oo laga soo jeediyay khudbado dhaxal gal ah kuna saabsan Joojinta Colaadda qaadashadda nabadda iyo la shaqaynta dolwadda ayaa gundhig u ahaa kulankaasi.

In laga dhigo xalay dhalay masiibadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo , joojinta kala qaadashadda wixii ka dhacay xaafadda garsoon , iyo u istaagidda dadaaladda nabadeed ee Gaalkacyo iyadoona labada dhinac ay go’aan cad ku wada gaareen in hal meel looga soo wadda jeesto xaaladda Gaalkacyo lagana shaqeeyo horumarinta iyo nabadgalyadda.

Islaam Bashiir Islaam Cabdulle Islaam Faarax  waxaa uu kamid ahaa isimadii xalay goobjooga ka ahaa heshiiskaasi islmar ahaantaana hogaaminayay Waftigaani ka socday Magaaladda Gaalkacyo Islaan Bashiir  kasoo jeediyay madasha khudbad dheer oo taabanaysay dhacdadii Gaalkacyo sharqamisay iyo sidda uu xaalku yahay hadda ,wuxuuna sheegay wixii ka dhacay Magaalada guud ahaan teedba lasoo afjaray laguna dhameeyay in laga wadda shaqeeyo xasilinta nabadgalyada Mudug Meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo wax u dhimaysa ammaanka Gobalka mudug .

Islaam Bashiir Islaam Cabdulle wuxuu intaasi ku daray in danta shacabka iyo danta gaalkacyo ay ku jirto gacmaha oo la is qabsado hal meelna looga soo wadda jeesto sidii looga shaqayn lahaa Horumarinta Puntland iyo dar dargalinta howlaha Nabad-galada ay wadaan ciidanka amaanka Puntland wuxuuna shacabka iyo madaxda dowlada ugu baaqay in laga shaqeeyo danta Puntland lagana waan toobo sii wadida dagaal beeleedka soo Noqnoqonaya.

Madax dhaqameedkii xalay goob jooga ahaa waxaa ka mid ahaa Suldaan Maxmad Axmad ,Suldaan Cabdisalaam Maxamuud ,Ugaas Cali Ugaas Maxamad ,Sayid Cali Xaaji Ciise iyo Samadoona kale oo goobta ka hadlay iyagoona ,dhamaan tood sheegay in shirkaani uu noqon doono kii ugu danbeeyay oo looga hadlo xaaladda Gaalkacyo iyo dhibaatadii ka dhacay Xaafada Garsoor ,waxayna dhamaan waxgaradkaani sheegeen in la qaado laguna dhaqmo heshiiska ay wadda gaareen dowladda Puntland iyo Beesha Layl-kase uuna noqon doono mid ay ku daydaan dhammaanba bulsho waynta reer puntland .

 Ugaas Cali Ugaas Maxamad oo ahaa Ugaaska Beesha layl-kase isla markasna ka hadlay kulanka  ayaa sheegay inay aad usoo dhawaynayaan hadii ay yihiin beesha Layl kase heshiiska laga gaaray ayna wada gallaan beesha layl-kase iyo dwolada Puntland ,wuxuuna sheegay in hada gaalkacyo ay tahay Goob nabdoon oo la isku lahayn karo ugana baaqay beelaha kale ianay ka shaqeeyaan xoojinta Nabada

Madaxwaynhihii hore Puntland Gen.Maxamuud Muuse Xirsi  oo Shirkii xalay ka dhacay xarunta madaxtoaydda goob joog ahaa oo halkaasi ka hadlay ,ayaa sheegay inuu aad ugu farax san yahay heshiiska buuxa ee laga gaaray xaalada Gaalkacyo iyo sidda ay Nabadoonadda isigu howleen dhex dhaxaadinta arintaasi isookalana uga baqay shacabka puntland inay muujiyaan isku Duubni ayna meel isk dhigaan tafaraaruqa iyo dagaal beeleedyada marwalba soonoqnoqda isagoona ugu baaqaybeelaha  dhawaanta dirirtu ku dhexmartay Gobalkaasikarkaar iany joojiyaan Dagaaldaaasi miiska wada hadalakana soo fariistaan..

Gabagabadii waxaa kulanakasi soo xiray madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad Maxamuud Faroole ,Madaxwaynaha ayaa ka hadlay xaaladda gaalkacyo iyo heshiiskii laga gaaray ,isagoona si gaar ah farta ugu fiiqay Odayaashaiyo culima awdiinka  Puntland sidii ay usoo dhameeyay murankii ka dhacay gaalkacyo ugana mahad celiyay sheegayna inay ku daysho mudanyihiin.

Joojinta Dagaaladda u dhaxeeya beelaha wadadaga deegaanaada puntland  ,qaadashadda Amarka dowlada , la dagalanka kooxaha burcad ah ee ka qowlaysta xeebaha wadanak soomaaliya iyokuwa ka soo horjeeda amaanka Puntland ayaa sidoo kale ku jirtay khudbadda madaxwaynaha wuxuuna intaasi ku daray madaxwayne Faroole in shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Puntland looga baahan yahay ka shaqaynta amniga iyo kala danbaynteeda taasina ay tahay midda kaliya  ee horumarka lagu gaari karo mar walbana loo baahanayhay in maanka lagu hayo..

Dhanka kalena heshiiskaani ayay siwayn u soo dhaweeyeen  shacabka ku dhaqan degaanadda Puntland  waxayna ku tilmaameen inuu yahay mid xal u noqonkara  xaalada Gaalkacyo iyo daganaaashaheedaba loogagana gudbi karo guud ahaanba Dagaal Beeleedyada ku soo noqnoqonaya Deegaadna Puntland .

Heshiiskaani waxaa uu ku soo Beegmayaa iyadoo dhawaanta ay Dagaal Beeleedyo Ay ka dhaceen deegaano hoostaga Gobalkaasi Karkaar iyadoona halkaasi ay ku baxeen wax garad iyo Ciidamao kala dhexgala oo ay Dowladau u dirtay.

Daawo Sawirada


(Dhamaad )

Yusuf Maxmed maxamud.
SBC International Garoowe