Waxa galabta si rasmi ah uga furmay Garoonka Kubbadda cagta ee mira Awaare tartanka lixaad ee ciyaaraha Gobalada Puntland kaasi oo ay ka qayb galayaan 8da Gobal ee ay ka koobantahay dowlada Puntland furitaankii ciyaarta ayaa waxaa ka soo qayb galay Boqolaal dadwayne ah kuwaasi oo soo daawasho tagay furitaanka ciyaaraha buux dhaafiyayna tarabuunka Garoonka ,sidoo kale waxaa goob jog ka ahaa madaxda dowlada uu uu hor kacayo madaxwane ku xigeenka dowlada Puntland ahna sii hayaha xilka madaxwaynaha Gen. C/samed Cali Shire iyo qaar ka mid ah labada Gole ee dowlada .

Tartanka ciyaaraha Gobalada Puntland ayaa waxaa si rasmi ah u furay madaxwayne ku xigeen ka dowlada Puntland isagoona laaday kubbaddi furitaanka ciyaarahaasi waxaana lagu daah furay ciyaaraha gobalaa Puntland Xulalka Gobalada Nugaal iyo Bari waxaana muuqanaysay inay labada kooxoodba ku lahaayeen taageerayaal tarabuunka lagana maqlayay sacab iyo sawaxan ay ku muujinayaan taageeradooda markii ayy ciyaartu socotay muddo gaaban waxaa goolkii koowaad la hor maray xulka Gobalka Bari oo uu u dhaliyay kagana naxsaday shabaqa xulka Gobalak Nugaal weeraryahanka lagu magaaco siciid Maxamed Ciise .

Muddo Gaaban ka dib waxaa u suurto gashay xulka gobalak Nugaal iany dhaliyaan gooshii barbardhaca taasi oo ay ku heleen Gool kulaad lagu helay xulka gobalak bari taasi oo kor u qaaday niyada taagerayaasha Gobalka nugaal waxaana laga maqalayay tarabuunka dabne sawaxan iyo sabab xoogan waxayna ku soo gabagabowday qayb tii hor eee ciyaartu Barbar Dhac oo ah 1-1.
 
Markii laysugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta waxay labada kooxoodba muujinayeen dadaalo ay ku doonayaan inay iyagu guushu ku raacdo waxayna ciyaartu u muuqanaysay mid weerar iyo weerar celis ah markii ay in muddo ah socotay qayb tii labaad ee ciyaartu waxaa u suurto gashay xulka Gobalak Nugaal inay dhashadaan Goolkii labaad taasi oo meesha ka saartay rajadii gobalka Bari dadaalo badan oo ay sameeyeen xulka Gobala Bari uma aysan suurto galin in ay dhaliyaan  wax Gool ah .

Gabagabadii ciyaartaasi waxa ay ku soo dhammaatay xilligii lagu tala galay iyadoona ay Guushu ku raacday xulka Gbalka Nugaal oo iyagu ku badiyay 2-1 waxayna daah fur u ahaayeen Gobaladaani ciyaaraha koobka lixaad ee Gobalada Puntland .

Waxana laga dareemayay magaalada gaaroowe maalmihii danbe udiyaar garowga ciyaarahaai galabta ka furmay Garoonka Mire Awaare iyadoona maanat ay ugu danbeeyeen soo dhawayn loo sameeyay xulka gobalak Sool oo uu ka qayb qaatay soo dhawayn toodii wasiru dowlaha maamul wanaaga dowlada Puntladn Maxamed Faarax ciise Gaashaann.
DAAWO SAWIRADII CIYAARTA MAANTA IYO FURITANKII

























Yuusuf Maxamed Maxamuud
SBC international Garoowe