Waaxda Difaaca dalka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay soo bandhigi doonaan goor dhaw sawirada ama muuqaalada duugta badda Carabta waqooyigeeda ka dhacdey ee lagu aasay meydkii hogaamiyaha shabadaka Al-Qaacida Osama Bin Ladin oo Mareykanku ay sheegeen inay ku dileen weerar qorsheysan oo ka dhacay waqooyiga Pakistaan.

Saraakiil ka tirsan Pentgon-ka Mareykanka ayaa xaqiijiyey la duubay qaabkii loo aasay meydka Bin Ladin, sidoo kale Mareykanku waxay sheegayaan in ay aqoonsadeen in meydkaasi uu yahay Bin Ladin, iyagoo sheegay in dheecaanka hida sidaha oo laga qaaday medka Osama lagu xaqiijiyey 99.9% in uu yahay isaga.

Sarkaal ka tirsan Pengton-ka oo ka gaabsadey in la magacaabo ayaa sheegay in xaqiijinta Meydka Bin Ladin loo adeegsadey xaqiijin laga helay haweenay lagu sheegay inay tahay xaaskiisa.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in DNA laga qaaday gabar Osama ay walaalo ahaayeen oo u dhimatey cudurka Kansarka oo DNA-geeda la kadiyey lagu xaqiijiyey in qofka la dilay uu yahay Osama Bin Ladin.

John Brennan oo ah madaxa hawlgalka la dagaalanka argagixisada aqalka Cad ayaa u sheegay saxafiyiinta in aanay shaki ka qabin in meydka uu yahay Bin Ladin, isla markaana ay u xaqiijin doonaan dadka shakiga qaba oo ay u soo bandhigi doonaan cadeynta Bin Ladin in la dilay.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com