Hay’ada Puntland u qaabilsan dhanka horumarinta iyo cilmi Baarista ee PDRC ayaa Maanta soo Bandhigay Markii ugu horraysay Bandhig suugaaneed ay ugu tala gashay ka hortaga iyo wacyi Galinta Burcadbadeeda kaasi oo ka koobnaa shan heesood ayna soo bandhigayeen kooxda Xidigaha Puntland oo la kaashanaysa Hay’adaha UNPOS iyoPDRC .

Heesahaan aymaanat soo bandhigeen kooxda Xidigaha Puntland ayaa dhammaantood ahaa kuwa ka Tarjuma samaynta Burcadbadeeda ee bulshad aqaybaheeda kala gadisan sida Caafimaadka ,Waxbarashada ,Degaanka iyo Nolasha qoysaska Danyarta ah Bandhigsuugaaneedkaan ayaa ahaa mid ay Muddo ka Shaqaynaysay Hay’ada PDRC  sida ay SBC u sheegeen Mas’uuliyiinta Hay’adaasi .

Yusuf C/qaadir aadan waxaa uu ka mid yahay Mas’uuliyiinta Hay’ada PDRC gaar ahaan Qaybta wacyi galinta burcadbadeeda wuxuuna kawaramayaa muhiimada uu leeyahay barnaamijkaani isagoona sheegy inuu noqonayo barnaamijkii ugu horreeyay ee noociisoo kale ah ee laga qabto deegaanda Puntland uuna qayb kayahay barnaamijyada bulshad loogaga wacyi galinayo khataraha .

Yusuf ayaa markale sharaxaya in barnaamijkaani uu muihiimad u leeyahay bulsho waynta soomaaliyeed ee aan wali fahamsanay dhibaatooyinka Burcadabadeeda  xusayna inuu Barnaamijkaani muhiim u yahay dhanka warbaahinta oo intabadan u gudbisa bulshada qaybaheeda kala gadisan tanina ay noqonayso  mid kor u sii qaada wacyigalintaasi.

Mudooyinkii ugu danbaysay waxa ay waday Hay’ada PDRC oo kaa shanayso Hay’ada UNPOS Barnaamijyo Bulshada loogaga wacyi galinayo Burcadabdeeda kuwaasi oo ay qayb ka yihiin in Bulshada loo siimariyo qaybaha warbaahinta iyo Fanka .

Yusuf Maxamed Maxamuud {Yusuf Yare}
SBC International Garoowe