Maalin wanaagsan, saaxiibayaal ku soo dhawaada isbadal cusub & naqshada ama wajiga cusub ee qaybta Internet-ka SBC Online, waxaan aad uga cudurdaaraneynaa mudadii aan ku jirnay hawshan dib u habeynta website-ka hakadkii ku yimid wararkii, warbixinadii & barnaamijyadii website-ka SBC.

ILAAH ayaa mahad leh, waxaan kaloo u mahadcelinayaa saaxiibtada sida joogtada ah ula socda wararka SBC Online isla markaana inoo soo dirayey su’aalaha ku aadan hakadka wararka balse tani waxay aheyd mid ku timid dib u habeynta & farsamadan cusub.

Maxaa cusub

Ka sakow dib u habeynta (Design-ka) web-ka hadana waxaan ku soo kordhinay adeegii hore ee website-ka qaybo badan oo aan hubo inay aad uga riyaaqi doonaan bahda ama saaxiibada ku tixan SBC.

Video: Qaybtan waxaan wali ku wadnaa horumarin balse waxay ka heli doonaan macaamiimeesha wararkii, wareysyadii ama barnaamijyadii ugu dambeeyey ee dalka & dibada waxaana mustaqbalka dhaw ku rajowaynahay idinka EEBE inaan ku siyaadino qayb Online Tv ah oo aad si toos ah aalada Internet-ka oo maanta dunida si weyn looga faa’ideysanayo aad uga daawan doontaan.

 

Arimaha Diinta: Qaybtan waxay ka heli doonaan asxaabta SBC muuqaalo & maqal ku aadan arimaha diinta inagoo u soo gudbin doono muxaadarooyin & barnaamijyo diino si ay uga faa’ideystaan bulshada Soomaaliyeed ee sida weyn ugu xiran SBC.

Wararka & Barnaamijkan: Qaybtan waxay sidoo kale yeelan doontaan warbixino Muuqaal & maqal ah waana qayb cusub oo aan ku soo kordhinay website-ka waxaana wali ku socda balaarin iyo horumarin.

Sports:  Inagoo tixgalinaya codsiyo fara badan oo horey inooga saaray bahda SBC website-ka sida joogtada ah ugu xiran, waxaan ku soo kordhinay adeegsan qayb Sports oo update ah, isla markaana aan ku soo gudbin doono warbixino iyo sawiro ama muuqaalo kala duwan oo ciyaaraha ku saabsan.

Ciyaarta kubada cagta ah oo dunida xiligan ku leh taageerayaal malaayiin gaaraya waxaan u balanqaadaynaa macaamiisheena inay heli doonaan macuulmaad ku aadan tartamada ciyaaraha dunida, taariikhda ciyaartoyda, wararka ama natiijooyinka ciyaaraha iyo waliba dhacdooyinka kubada cagta.

Ra’yiga Akhristaha: Iyadoo laga duulayo fikirka xorta ah iyo sida ay muhiimka u tahay in saaxiibadeenu ka dhiiban karaan aragtidooda saliimka ah isbadalada la dhacaya dunida gaar ahaan dalka waxaan ku soo kordhhinay web-ka qaybtaasi iyadoo e-mai- ahaan ay u soo gudbin karaan fikradahooda akhristayaasha waxaana ku sameyn doonaa jaansuur ama tifaftir aan ku eegayno in uu ku haboon yahay maqaalka ama fikirku in la daabaco, hadiise ay dhacdo in fikirku yahay mid colaad hurinaya, mid lidi ku ah shareecada Islaamka & qaranimada uumada Soomaaliyeed waxaan ku ridi doonaa qaybta masaxida(Recycle-ka) taasi macnaheedu waxay tahay inaan daabicin doonin.

Laakiin waxaa hubti ah inaan wax isbadal ama wax ku darid ama ku dhimid aynan ku sameyn doonin  fikradaha akhristayaasha oo aan si xor ah u daabici doono fikradahaasi gaar ahaan kuwii aan ka hor imaan doonin qodobada aan kor ku soo xusnay.

Comment ama Reply: War kasta, warbixin kasta ama muuqaal & maqal la soo galiyo website-ka waxaan u fasaxnay akhristayaasha, dhageystayaasha & daawadayaasha inay fikirkooda ka dhiibtaan si xor ah dhacdadaasi, iyadoo qofku ku cabiri karo fikirkiisa iyadoon wax ku darid ama ka dhimid ku sameyn doonin.

Fikrad dhiibte kasta waxaa ku ah qasab in uu galiyo magac & email jira, e-mailka ma la soo daabici doono ama ka soo muuqan maayo qoraalka, waxa kaliya ee soo daabicmi doonaa waa qoraalka fikirka ah ee qofku uu dhiibto.

Qaybtan waxay leedahay meel laga maamulo hadii ay dhacdo in fikir qaldan oo aan ku habooneyn in bulshada loo daabaco uu qof iska qoro sida cay iyo aflagaado heer ka bax ah waxaan ku sameyn doonnaa inaynu ogalaan in ay u soo muuqato bulshada.

Xulshada: Qaybtan waxaan ku soo qaadan doonaa warbixinada la yaabka ah ama waxyaabaha dunida ku cusub, iyadoo akhristayaashu aad uga heli doonaan macluumaad ay ka faa’idi doonaan sidii caadada inoo aheydba.

Dhageysiga BBC & VOA: Si aan ugu sahlo asxaanta SBC iyagoon ka bixin website-ka isla markanaa culeys iyo qaanad kale oo Internet isagu furin ama links kale gaaraacin waxaan u sahalnay in SBC Online ay ka dhageysan karaan wararka & barnaamijyada idaacadaha afka Soomaaliga sida BBC & VOA.

Dhageysiga Wararka maqalka ah ee SBC: Waxaan hada gacanta ku haynaan inaan si joogto ah subax, galab iyo habeen idinkugu soo gudbino warar maqal ah oo ku saabsan dhacdooyinka aduunka ugu dambeeyey waxaana qaybtan ku haynaa gacanta haatan insha ALAAH dhanka bidix ayaana ka daalacan doontaan.

News in English: Qaybtan waxaan ku soo daabici doonaan wararka Ingiriiska ee sida gaarka ah uga hadlaya arimaha Soomaalida , iyadoo wararkan ay noqon doonaan warar ay SBC wariyeyaasheeda kala jooga dunida luuqada English-ka idinkugu soo gudbin doonaan, waxaan kaloo ku soo daabici doonaa warbixinada ama wararka wakaaladaha wararka aduunka ay ka qoraan arimaha Soomaalida.

Qaybtan waxaa kaloo ka faa’ideysan doona dadka aan afka Soomaaliga aqoon ee u baahan inay helaan wararka & warbixinada deegaanada Soomaalida ka dhacaya,sidoo kale dadka ajanabiga ah ee daneeya arimaha Soomaaliya ayaa ka faa’ideysan doona.

Send this report friend, Print, Facebook & Twitter: Iyadoo aan la saanqaadanyo horumarka ay sameynayso warbaahinta dunida waxaan ku soo kordhinay in adigoo ku jira SBC ama aqrisanaya warbixinada & macluumaadka inaad saaxiib u diri karto warkaasi si aad ugu sheegto dhacdooyinka SBC ay soo gudbinayso daqiiqad daqiiqad, sidoo kale hadii aad hayso Printer waxaad daabacan kartaa warbixintaasi si aad ugu haysto taariikh ahaan aad asxaab kale u soo tusto.

Adeegan wuxuu kaloo kuu sahlaya inaad la qaybsan karo saaxiibadaada ku jira Facebook ama Twitter warbixinada ku cajibiya ee aad jeceshay inaad saaxiibadaada la qaybsato ay uga faa’ideystaan.

Fikrikaagu waa inoo muhiim ah taladaada,dhaliishaada iyo amaantunba waxay inoo horseedi doonaan inaan sii kordhino adeegyada aan uhayno bulshada afka Soomaaliga ku hadasha, wixii talo ah inoogu soo hagaaji e-mail: sbcsomalia@gmail.com.

ALLA Mahad Leh.
Agaasimaha Guud
Mowliid Xaaji Cabdi