Waxaa Degmada Baargaal ka bilowday olele balaaran iyo shaqo sidii loo hagaajin lahaa loona furi lahaa wadada ganbaduufle oo ahamiyad wayn u leh bulshada degaanka ,

Ololahaas oo ay si xoogan uga qayb qaateen , horseedna ka ahaayeen dhalinyarada ururka ACDO ( ururka dhaqdhaqaaqa  horumarinta arimaha bulshada Degaanka ayagoo kaashanaaya maamulka Degmada iyo bulsha waynta degaanka .

Wadada Ganbaduufle ayaa isku xirta degaan balaaran ayadoo tagta dhul daaqsiimeed iyo warooyin biyood , wadadaas ayaa waxaa kamid ah degaanada ay marto conqoro ,Canjeela , Cargay , Fiinyo , Hursale dheefo ,barxa iyo muudiye  oo in kabadan 800 oo qoys ay ku dhaqan yihiin

Dadka ku dhaqan degaanadaas ayaa waxaa haysta dhibaato badan , ayadoo qofka xanuusta lagu soo qaado rati ama Dusha , wadada ayaa sidoo kale leh ahamiyad wayn oo dhinaca ganacsiga ah ayadoo ay ku yaaliin xijiyo aad u tiro badan , kuwaas oo  wax soo saarkooda lagu soo raro awr ,iyo qof dushiis

Ugu Danbayntii Gudoomiyaha Degmada Baargaal Axmed maxamuud Yuusuf (
Axmed Guray ) oo asagu bilaabay shaqada wadada lagu hagaajinaayo ayaa ugu baaqay qurba joogta iyo Ganacsatada reer Puntland gaar’ahaan kuwa kasoo jeeda degmada Baargaal iyo degaanada hoos yimaada inay ka qayb qaataan dhismaha waddadan oo Muhiimad weyn u leh Degmada iyo deegaano badan oo katirsan Gobolka Bari

SAM_1004 SAM_1058 SAM_1067 SAM_1069 SAM_1092

Maxamed ibraahim axmed
Baargaal – Gobolka Bari