Waxaa Maantay Degmada Baargaal iyo deegaanada kale ee hoosyimaada ku
soo gabagaboobay olole balaaran oo ay Wadeen gudiyo ka  socday wasaarada xanaadada xoolaha ee Puntland oo lagu Talaalay  , laguna daaweeyay Xoolo badan

ololaha oo ay wadeen gudiyo isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal Caafimaad ayaa waxay Xoolo isugu Jira geel iyo ari ay ku talaaleen  Deegaanada Baargaal , Muudiye, Taageer,Qoraxaad iyo Tuulooyinka hoos yimaada

Shir lagu qabtay Xarunta Dawlada Hoose ee Degmada Baargaal oo uu ka qayb galay agaasiimaha Guud ee wasaarada xanaanada xoolaha Dacar Xareed , maamulka degmada iyo ergo kasocota Xoolo Dhaqatada ayaa looga hadlay  barnaamajka talaalka ayadoo ay aad u soo dhaweeyeen xoolo dhaqatadu talaabadaas

C/rashiid Xaashi Carab oo ah hawl wadeenka Gudigan oo ka hadlay barnaamajkooda ayaa sheegay in xoolo badan ay ka soo talaaleen cudurada Furuqa iyo Jadeecada deegaanadii ay soo mareen .

mudane C/rashiid ayaa intaas ku daray in ay yimaadeen dhul xoolo badani joogaan , asagoo dadka deeganka ku amaanay sida ay ugu qanacsanyihiin ahamiyada ay leedahay in xoolohooda loo daaweeyo

Mudane C/rashiid ayaa sheegay in Gudigoodu u isii talaabi doono dhanka Caluule oo uu codsi badani ka jiro , waa sida uu hadalka u dhigaye


DSC03305 DSC03311 DSC03370 DSC03382 DSC03400 DSC03432 DSC03434 DSC03457 DSC03460 DSC03464

Maxamed Ibraahim Axmed
Baargaal