In ka badan Shan iyo toban Xerooyinka  barkacayaasha ay ku jiran ayaa maanta waxaa laga bilaabay olale wacyigalin ah oo ku saabsan naas nuujinta si hooyadu ay naaska caruurta u siiso  mudo lixbilood si uu cunugu uga badbaado lixda cudur ee dilaaga ah sida ay shegeen dhakhaatiirta wacyi galinta waday waxana barnaamijkaani waday Ha’yada Save the Children oo qaabilsan badbaadinta Caruurta iyo Hay’ada caafimaadka Aduunka ee WHO waxaana soo qaban qaabisay Xarunta caafimaad ee Puntland magaalada Garoowe .

Dr: Daahir Adan maxmed liilan oo ka mid ahaa dhakhatirtii olalahan fulinayey ayaa kawaramaya fa’idada naas uu u keeno Caruurta iyo qoyska dhinac walaba ay u qaataan caruurta naas ka oo ay hooyadu ay ku duwdo caruurteeda 6da bilood ee ugu horayso in cunuga ka difaaca lida cudur ee dilaaga ah.

Jamad Farax Siciid waxa ay ka tirsan tahay ha’yada Barnaamijkaan Fulinaysay ee Save the Children waxaa ay kula dardarmatay baracayaasha hooyooyinka ku nool in ay dadaalan oo ay ku samayn doonaan daba gal madama ay ha;yadu gacanta ku hayso xeryahayn islamarkaana ay u sheegtay hooyooyinka in cunuga si wanaagsan loo Nuujiyo naaska uu ka badbaadayo xanuuno badan oo haleeli lahaa.

Hooyo ka mid dadka baracayasha ah ayaa ka waramaysa faa’idaada ay hada ka fahan tahay in la naas la nuujintu ay tahay mid faa’ido u leh qoyska iyo Carurta ay hada laga biloobo ay qaadan doonaan wacyugilinta ah in caaruurta loo dheeli tiro Naas nuujinta .

waxaana barnamijkaani uu soconayaa mudo shan maalmooda oo loogu kuur galayo si dadka looga dhaadhiciyo faa’ida uu leeyahay naas nuujintu Caruurta.

DAAWO SAWIRO



Cabdi caziiz Ibraahim Axmed (Okey)