OGEYSIIS:Banaanbax muhiim ah oo ka dhacay magaalada London

Qabanqaabada Dibadbax balaaran oo ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto dan iyo aayo u leh ayaa ka soconaya magaalada London cariga Ingiriiska kaasi oo ku aadan joojinta Qaadka, kaasi oo ay soo qabanqaabiyeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka damqaday dhibaatada iyo diirxumada uu qaadku ku hayo bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunidu ka joogto.

Abuukar Cawaale oo ah gudoomiyaha la dagaalanka qaadka oo SBC u waramayey ayaa sheegay in banaanbaxan uu ka dhici doono kadinka hore ee aqalka Ra’isalwasaaraha UK (Downing Street), iyadoo la doonayo in loo muujiyo dawlada UK sida shacabka Soomaaliyeed u doonayaan in qaadka laga mamnuuco dalka UK oo ah wadanka ugu badan ee ay ku nool yihiin Soomaalida ku nool qaarada Yurub.

Abuukar Cawaale wuxuu sheegay in qaadku uu ku hayo mujtamaca Soomaaliyeed ee UK ku dhaqan dhibaato xoogan taasi oo si toos ah u saameysay qoysas boqolaal ka badan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo ku kala tagey cunista qaadka, caruurtii looga qaatey, dhibaato caafimaad iyo mid dhaqaale oo uu sababay iyo waliba in caruurtii iyo da’ayartii mustaqabalka ay ku lumeen cunista iyo saameynta qaadka.

Banaanbaxan oo lagu wado in uu dhaco maalinta Sabtida 23-ka bishan February 2013 waxaa la filayaa inay isagu soo baxaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London iyo magaalooyinka kale ee wadanka Britain iyadoo laga doonayo ummada Soomaaliyeed inay fursadan ku muujiyaan dareenkooda ku wajahan sidii loo joojin lahaa qaadka la keeno wadanka UK iyo waliba cunistiisa, iyadoo hadii ay taasi dhacdo ay faa’ido badna ka heli doonaan boqolaal kun oo Soomaali ah oo dhaqaale u baaqanayo, caafimaadkooda hagaagayo, shaqeysanaya, waxbaranaya isla markaana ka tashan kara aayaha qaran iyo qoys.

Fadlan fursadan aynu ka wada faa’ideysano oo aan isagu tagno goobta banaanbaxa isla markaana muujino waxa aan doonayo iyo waxa aan diidanahay oo ah keenista iyo cunsita qaadka in laga joojiyo wadanka UK.

Banaanbaxu wuxuu ka dhacaya ka soo horjeedka xafiiska Ra’isalwasaaraha Britain ee ku yaal Downing Street, waxaana ciwaanku uu yahay

10 Downing Street,
London SW1A 2AA

Sabtida 23-ka bishan February 2013
Saacadu waa 12:00 am ilaa 4:00 pm.

Link-ga Hoose ka daawo Ogeysiis muhiim ah oo ku aadan dibadbaxan Qaadka.
Halkan Riix

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print