Odayaasha iyo waxgaradka Beelaha Hawiye ee ku sugan magaalada Muqdisho caasimada dalka ayaa ka marag kacay wax ka qabasho la’aanta dhanka Amaanka dowlada federaaalka Soomaaliya iyo madaxddeeda.

Waxa uu sheegay nabadoonku in ay soo yaraaneyso Nabada iyo rajadii laga qabay wax ka qabashadeeda dowlada federaalka Soomaaliya,

“Meel aan nabadi ka jirin nololi kama jirto, Nabada Baahida loo qabaa waa mid wax walba ka horesa, hadii caasimada Nabada ka hirgeliweydana Saameyn ayay dalka oo dhan ku yeelaneysaa” sidaasi waxaa yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Maxamed Xasan Xaad ayaa intaasi raaciyay in aanay muuqanin kaalintoodii looga baahnaa in ay amaanka wax uga qabtaan hay’adaha Nabadgeliyada ayna aad uga gaabiyeen.

Waxa uu ugu baaqay shacabka iyo weliba Hay’adaha nabadsugida Dowlada Federaalka ah in ay isu taagaan sidii wax looga bedeli lahaa Amaanka Muqdisho oo iminka maraya heer aad u hooseeya.

Madaxda Sar sare ee xukuumada Federaalka siiba Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markasta saxaafada ka sheega in ay soo wadaan qorshayaal amaanka wax looga qabanayo, balse ma muuqato markasta waxaa jira amaan daro soo laalaabaneysa oo ka dhacaya Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

SBC International Muqdisho