Odayaasha iyo Waxgaradka Deegaanak Hosingow ee gobolka Jubada Hoose ayaa Kulan ay qaateen waxa ay si aad ah ugu cambaareeyeen Duqeyn xoogan oo diyaaradaha Dagaalka Dowlada Kenya ay ka geysteen deegaanka Hoosingow kaas oo ay u laayeen dad Rayid ah oo aan waxba galabsan

Odayaashan oo Kulan saxaafadeed ku qabtay Gudaha deegaanka Hoosingow ayaa sheegay in ay si kulul u cambaareynayaan Duqeyntaasi islamarkaana dhalisay dhibaatada sida ay xaqiijiyeen dhibaato balaaran oo soo gaarta dadka ku dhaqan deegaanka .

Dareenka odayaasha ayaa ka muuqaneysay sida ay uga xumaadeen duqeynta ay geysaneyaan diyaaradaha dagaalka dowlada Kenya iyagoona ku tilaamay mid arxan daro ah islamarkaana aan loo baahneyn in lagula dhaqaaqo dad rayid ah oo iyagaba ay ka soo kabsanayaan abaar iyo Macluul la soo gudboonaatay.

Ugu dambeyntii kulankan ay ku cambaareeyeen odayaasha duqeynta ay geysatay Dowlada Kenya aya imaneysa xili ay ciidamada dowlada Kenya ay digniino ku bixisay in ay duqeyn ka geysanayaan diyaaradaheeda deegaano ku yaala Koonfurta dalka Soomaaliya, islamarkaana duqeyn ay dad farabadani ku dhinteen ka geysatay deegaanka Hoosingow ee Gobolka Jubada Hoose.

C/qadar Maxamed Siraad
SBC International Gedo.