Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan, siiba kuwa baladweyne iyo Saraakiisha Soomaalida ah ee dhowaan qabsaday Magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu furmay kulan looga hadlayo Amaanka Guud ee Gobolka Hiiraan iyo sidoo loo nabad gelin lahaa cidii ka soo baxda xarakada Alshabaab ee iyagu dhowaan halkaasi lagala wareegay.

Kulankani ayaa waxa uu ka furmay gudaha magaalada Baladweyne waxaana ka qeyb galaya Odayaasha iyo waxgaradka ugu muhiimsan gobolka iyo sarkiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada DKMG ah, waxaana sida laga warhayo lagu jeex jeexi doonaa arimaha Amaanka gobolka iyo weliba sidii xal loogu heli lahaa Arimaha Amaanka iyo dhaq dhaqaaqyada Ciidan ee gobolka ka jira.

Hadii uu kulankani noqdo mid Hirgala waxaa meesha ka baxaya mad madow soo kala dhaxgalay intii ay la wareegeen gacan ku heynta Baladweyne Maamulka dooxada shabeele iyo kuwa Itoobiya shacabka Baladweyne kaas oo ku aadanaa isku afgaranwaa ku yimid ciidamada Maamulka oo iska dhex fadhiya wadooyinka waaweyn taas oo ay ka imankareen falal amaanka wax u dhima

Sikastaba ha ahaatee kulankani ayaa taabanaya arimahaasi oo dhan, waxaana lagu rajaweyn yahay in ay ka soo baxaan waxyaabo la isku afgarto, sida ay xafiiska SBC International ee Garoowe u sheegen saraakiil ka tirsan Maamulka halkaasi gacanta ku dhigay.

Waa Markii ugu horeysay oo kulan uu dhexmaro tan iyo intii ay la wareegeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ah Magaalada Baldweyne iyaga iyo Odayaasha waxgaradka oo matalaya Shacabweynaha Baladweyne.

C/casiis Ok
SBC International Garoowe