Odayaal Culimaa udiin  iyo waxgarad ayaa ay wararku sheegayaan in ay ku jihaysan yihiin Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug si ay usii Ambaqaadaan Nabadayntii ay ku guulaysteen Culimaa udiinka ee  ku aadanayd Dagaalkii kadhacay Galkacyo Maalmihii aynu soo dhaafnay

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhinacyadaasi ku jihaysay Magaalada Galkacyo ay qayb ka noqondoonaan dhamaystirka xalinta Qilaafaadkii iyo dagaalkii ka dhacay Magaaladaasi kuwaasi oo ka safray magaalooyin ay ka mid yihiin Bosaso, Qardho, Garoowe, Lascanood iyo Magaalada Caabudwaaq

Odayaashan iyo waxgaradkaan ayaa warbaahinta SBC International usheegay in ay ku Faraxsan yihiin nabadaynta ay ku guulaysteen Culimada Soomaaliyeed iyagoo Sidoo kale sheegay in colaadii Glakacyo la soo afjaray  Dadkii ka barakacay gur yahooda ay dib ugu soo noqdaan si magaalada galkacyo aysan mardambe dagaal uga dhicin

Ugu dambayntii Nabadayntaan ay gaareen dhinacyadii ku dagaalamay magaaladaasi ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay shacabka Gobalka Mudug gaar ahaan magaalada galkacyo sidoo kale waxay ku soo beegmaysaa iyadoo isusocodka iyo ganacsigii magaaladu uu dib u furmay kadib xabad joojintii ay shalay ku dhawaaqday Dowlada Puntland

Maxamed Cali Iiman
SBC International Boosaaso