Kualan ay isugu ymaaden Duqayda Dhaqanka, Culimada Diinta ,Haweenka, Dhalinyada, wakiilo kasocda Dowalada, Xubno katirsan Garsoorka Xubno katirsan Ddaka lahaybsaaco ama laga tirabadabyahay iyo Barakacyaasha oo dib loogu eegayay Baaqi Qran ee ay soosaareen Duqayda Dhaqanka ee heer Gobol ee P untland kulankaasi oo socday mudo sedex maalimaad ah ayaa maanta lagu soo gagabeeyeey hoolka macadka caafimaadka ee magalada Boosaaso .
kullankaas waxaa ula jeedadiisu aheyd in lagu hirgaliyo Baaqa ay soosaareen Duqayada Dhaqanku si heer Dagmo ah islamarkaana lagu daro wax yabaha kmaqan baaqa oo ay bulshadu u aragto in ay muhiim uyihiin Duqayda Dhaqanka iyo Qeybaha kale oo kasooqeybgalay Shirka waxa ay kakoobnaayeen 57 xubnood oo dhamaantood kasocda degmada Boosaaso.
Dhamaan dadkaasi waxa ay isku waa faqeen in ay tahay Muhiim dhaqan celinta Baaqan iyo fulinta Baaqan lana gaarsiyo dhamaan dadka ku nool degmada Boosaaso, waxay kaloo xooga sareen in Baqaani uu noqdo mid waafaqsan Shareecada Islaamka taaso Suurta galinaysa in waxyaabo horey Dhaqanka Bulashada ugajiray oo qalafsanaan ay noqdaan kuwa lagaga takhluso si Caadalada loosugo islamarkaana Niyadsami iyo Wanaag Kuwada Noolaato Bulshadu.
Waxaa inta uu Kulan uu socday kahadlay Madasha kulanka qaarkamid ah madaxda gobolka Bari uu kamid ah Gudoomiya kuxigeenka gobolka Bari Yuusuf Muumin Biide oo sheegay in uu kurfaraxsanyahay kulankaasi waxna kasaxiixay Qodobadii kakoobnaa 19ka oo ay Soosaareen Duqayada Dhaqanka iyo Uruurada Haweenka .
Sidoo klae waxayagana Kalmado kajeediyeey kulanka loogahadlayeey fulinta baaqa degmada Boosaaso qaarkamid ah Uruurada Haweenka gobolka Bari waxaan halkaasi kahashay Gudoomiayaha Uruurada Haweenka gobolka Bari Maryan Guduudo oo kudheeratay ahmiyada uu kulankani leeyahay sadexda cesho kasocotay hoolka macadka caafimaadka .
Inta uu socday kulankaasi ayaa waxaa laga dooday qodobo aad umihiim ah waxaan laga soosaaray 19 qodob oo ay kamid ahaayeen wada shaqeynta dowlada iyo Duqayda Dhaqan,
Dilka kusalaysan aanada, xuquuqda Haweenka,xaquuqda Caruurta, dhowrista Degaanka, iyo qodobo kale oo aad umihiim ah oo kamid ah 19ka qodob oo ay soosaaren Duqayda Dhaqanka.
Ugu danbeynti waxaa kulankaasi soo afmeeray Gudoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari C/qaadir Axmed Ibraahim Xarago oo Baaq ujeediyeey dhamaan kaqeybgalayaasha shirka loogahadlayeey fulinta baaqa degmada Boosaaso Kulankaasi oo Bilaawday maalinti isniint aheyd kaaso lasoogabgabyeey maanta oo arbaca ah bisha 13 june/2012.
Sawiro
Casiiso Muuse
SBC International Boosaaso
Daalacatey :608