Wararka ka soo baxaya aqalka cad ee Mareykanka looga arimiyo ayaa xaqiijinaya in madaxweyne Obama & saraakiisha sar sare ee maamulkiisa oo ay ka mid yihiin madaxweyne kuxigeenka  Joe Biden,  xoghayaha difaaca Robert Gates, xoghahaa arimaha dibada Hillary Clinton, taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka Admiral Mike Mullen, la taliyaha arimaha qaranka ee amaanka Tom Donilon, & la taliyaha la dagaalanka argagixisada John Brennan ay si toos ah u daawanayeen hawlgalkii lagu qaarijiyey hogaamiyihii shabakada AL-Qaacida Osama Bin Ladin.Obama & saraakiisha maamulkiisa ayaa la sheegay in ay kala socdeen hawlgalka iyagoo kala socdey muuqaal Satellite Video ah oo toos ugu xirnaa caamirooyin ay wayeen ciidamadii hawlgalka fuliyey.Waaxda warfaafinta aqalka Cad waxay sheegeen in madaxweyne Obama & saraakiisha kale ee la daawanayey hawlgalka ay xitaa si toos ah u daawanayeen xabadihii ugu dambeeyey ee dhexmarey Osama Bin Ladin & askar ka tirsan ciidamadii hawlgalka fuliyey, kuwaasi oo si toos ah isaga horyimid qolka jiifka ee Osama Bin Ladin.Warka wuxuu intaasi ku darayaa in askari ka mid ah ciidamadii hawlgalka fuliyey oo koofiyadiisa ay ku xirneyd caamiro toos ugu xirneyd aqalka cad ay soo gudbisay askarigaasi oo Bin Ladin ka dalbanaya in uu is dhiibo balse Bin Ladin uu toos ciidamada ugu furay rasaas ka dhacasay qorigiisa gaarka ah ee AK 47 taasi oo keentey in ciidamadu ay xabado madaxa kaga dhacaan, waxaana xiliga xabadaha Bin ladin madaxda kaga dhacayeen toos u daawaneyey Obama iyo saraakiisha aqalka cad.Sawir laga qaaday Madaxweyne Obama & saraakiisha maamulkiisa ee tooska u daawaneyey is rasaaseynta ayaa waxaa ka muuqata Hillary Clinton oo afka gacanta ku qabsanaysa una muuqata qof ka walwalsan adma cabsi ka qaaday wixii ay daawanaysey oo lagu sheegay in uu ahaa is rasaaseyntii dhexmareysay Bin Ladin & ciidamada gaarka ah ee Mareykanka.War laga soo xigtey Pentagon-ka Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyey in Osama Bin Ladin markii la dilayey uu xaaskiisa ka dhigtey gabaad iyadoo warka lagu sheegay in ciidamadu ay toogteen haweenaydaasi isla markaana ay dalbadeen Osama in uu is dhiibo balse taasi oo uu diiday taasina ay keentey in madaxa laga toogto, ma jirto ilaa iyo hada cid madaxbanaan oo xaqiijinaysa warkan sheegashada ah ee Mareykanka ka soo yeeray.Si kastaba ha ahaateen waxaa wali jira tashi ka jira aqalka cad ee Mareykanka oo ku aadan in la baahiyo sawirada laga duubay xiligii Bin Ladin la aasayey iyadoo arintaasi aanay go’aan ka qaadan maamulka Madaxweyne Obama.

Sawiro Dheeraad ah

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com